Iyadoo uu duullaanka Ruushka galay maalintii sideedaad, ayaa waxaa soo baxaysa xog ku aaddan xooggag mayal adag oo lagu eedeeyay Islaam naceyb, kuwaasoo ka garab dagaallamaya ciidamada Ukraine.
Waxaa lagu magacaabaa Azov, Madaxweynaha Ruushkana waxa uu ku tilmaamay inay yihiin Nazi uu ka cirib tiri doono guud ahaan Ukraine.
Qaar kamid ah warbaahinta ayaa si weyn uga hadashay muuqaal laga duubay askar ka tirsan xooggaga Azov oo isu diyaarinaya dagaal ka dhan ah ciidanka Chechnya ka so socda ee ku sugan gudaha Ukraine.
Muuqaalka ayaa muujinaya xooggaga Azov oo rasaastooda marinaya subag doofaar, ka hor inta aysan kula dagaallamin xooggaga Chechnya ee Muslimiinta ah. Islaamka ayaa doofaarka u aqoonsan xayawaan niyaas ah.
Jabhaddan ayaa sidoo kale ku lug tababarka dadka rayidka ah ee doonaya inay ka hortagaan duullaanka Ruushka ee Ukraine