Hargeysa(saxilnews.com)-Qaarkamid ah culimada Somaliland oo caawa shir jaraa,id ku qabtay magaalada hargaysa ayaa ka hadlay geerida sheikh cabdinaasir Axmed Yuusuf oo kamid ah culimada gobolka sool oo maanta qarax lagu dilay isagoo ku sugan magaalada kismaayo ee dalka Somaliya.
Culimadan ayaa ka waramay taariikhda sheikh cabdinaasir oo gacan ka xaqdarani dishay isagoo arimo diimeed iyo faafinta wacdiga lagu dilay kismaayo.
Sidoo kale culimadan ayaa shacabka iyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku tacsi udiray iyagoo ilaahay uga baryay in uu samir iyo iimaan kasiiyo.