Muqdisho (Saxilnews.com)-Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto degmada Kamakunji ee magaalada Nairobi, ayaa maanta saldhiga booliska ee Pangani ee Nairobi u gudbiyey dacwad uu ku doonayo in dib loo furo baadhitaanka qaraxii uu ku dhaawacmay sannadkii 2012.
Xildhibaanku wuxuu sheegay inuu arkay qoraal uu Twitter-ka ku baahiyey badhasaabkii hore ee Nairobi, Mike Sonko, oo uu ku sheegay inuu garanayo ciddii qaraxaa ka dambaysay.
Qaraxaas oo ka dhacay masaajid ku yaal xaafadda Islii oo la yidhaa Al-Hidaya, goor habeenimo, waxa ku dhintay sideed qof oo laba caruur yihiin, labaataneeyo qof oo xildhibaanku ku jiraana ay ku dhaawacmeen.
Xildhibaan Yussuf Xasan ayaa khadka telefoonka ugu warramay weriyaha BBC, Axmednagaashe.
Xigasho . BBC SOMALIA