Maxay Israa’iiliyinta u doortaan janaraalada iyo abaanduulayaasha?

0
31
Askari Israa'iil

Toddobaadkan ayaa u ahaa Israa’iil mid isbadal cusub uu ku yimid xafiiska rai’sul wasaaraha oo uu la wareegay Naftali Benett.

Waxaa xilka baneeyay rai’sul wasaarihii muddada dheer xilka hayay Benjamin Netanyahu.

Inkasta oo ay ku kala geddisan yihiin arrimo badan oo xagga siyaasadda ah, haddana hal shay ayaa mideeya, dhammaantoodna waa taliyayaal ka soo shaqeeyay ciidammadii caanka ahaa ee Israa’iil ee la oran jiray Materi.

Labadoodu ma ahan askarta kaliya ee gaaray heerarka siyaasadeed ee ugu sareeya, balse askarta howlgabka ah ayaa door wayn ka ciyaara siyaasada Israa’iil, waxayna soo qabteen xilal sare oo siyaasadeed tan iyo aasaaskii Israa’iil 70 sano ka hor.

Waxaa jira laba sababood oo waaweyn oo isku mid ah oo falanqeeyayaashu ku sheegaan inay tahay sababta ugu weyn ee militariga siyaasadda Israel ay dodrka muuqda uga ciyaaraan.

Midda koowaad waa siyaasada amniga oo mudnaanta kowaad la siiyo maadama Israa’iil ay dagaalo la gasho dalal daris la ah tan iyo markii ay qabsadeen dhulka Falastiin ayna hirgeliyeen siyaasadaha Sahyuuniyadda.

Iyada oo ay uga wacan tahay isku dhacyada militari iyo dagaalada soo noqnoqda, ayaa waxay siisay saraakiisha iyo taliyayaasha in ay dadka aad u jeclaadeen doorka ay ka qaateen difaacooda.

Saraakiisha miltariga marka ay siyaasada ku biiraan ayaa waxaa hanti u noqda oo ay dadka ku taageeraan doorkii ay dagaaalada ay Israa’iil gashay ka soo qaateen.

Ra’iisul wasaaraha cusub, Mr Bennet, wuxuu militariga ka shaqeeyay sanadihii 1990 ilaa 1996, isagoo sarkaal ka ahaa Taliska ciidamada gaarka ah ee Seyeret Matkal.

Mudadaas wuxuu ka qeyb qaatay dagaalkii ka dhanka ah mintidiinta Falastiiniyiinta iyo sidoo kale dagaalka lala galay mintidiinta Lubnaan.

Balse, caan ku ahaanshihiisa iyo doorkiisa askarinimo uma weyna sida qaar ka mid ah kuwii isaga ka horreeyay.

Benjamin Netanyahu

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Benjamin Netanyahu

Benjamin Netanyahu – badbaadiyihii diyaaradii la afduubtay

Netanyahu, oo naaneystiisu tahay Bibi, ayaa heysata rikoorka rai’sul wasaarihi ugu muddada dheeraa.

Ayeeyadii sidoo kale waa taliye ka tirsan guutada Seyeret Mitkal waxayna ka qayb qaadatay dagaalo dhowr ah.

Laga soo bilaabo 1967 markii uu ku biiray ciidanka wuxuu ka qayb galay dagaal dhulka hoostiisa ah oo ay ciidamada Israel kaga horyimaadeen Masar, Jordan iyo Falastiiniyiinta PLO.

Dagaaladaasi ayaa socday illaa 1970 markaasi oo heshiis xabbad-joojin la meel-mariyey.

1972, Ayeeydii waxay ka mid ahayd 16-askari oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah oo ku guuleystay inay badbaadiyay diyaaradii Sabena 571 oo ka soo duushay Vienna, Austria kuna sii jeeday magalada TelAviv, .

Diyaaradda waxaa la afduubay 20 daqiiqo kadib markii ay duushay waxaan afdubkeeda ku lug lahaa afar xubnood oo ka tirsan kooxda la baxday Black September kuwaasoo dalbanyay siideynta 315 Falastiiniyiin ah oo ku xirnaa xabsiyada Israel.

90 rakaab ah oo saarnaa diyaaradaasi ayay ciidamada Israa’iil soo badbaadiyeen.

Intii howlgalka socday waxaa ku dhintay oo kali ah 1 qof, halka uu ku dhaawacmay hal askari kaasi oo ahaa Netanyahu.

Ehud Barak

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Qoraalka sawirka,Ehud Barak

Ehud Barak – Askariga haysta rikoorka guusha ugu wayn

16- kumaandoos ee soo badbaadiyey diyaaradii Sabena waxaa hogaaminayey Ehud Barak.

Barak waa mid ka mid ah seddex askari oo la aaminsan yahay inay yihiin kuwii ugu fiicnaa abid ee soo mara militariga Israa’iil.

Wuxuu ciidanka ka tirsanaa 35 sano wuxuuna ka gaaray darajada Gaashaanle dhexe wuxuuna noqday Abaanduulaha guud ee ciidamada qalabka sida.

Barak iyo Netanyahu waxay ka wada tirsanaayeen hal guuto, laakiin sanadkii 1999-kii labaduba waxay u tartameen jagada raysal wasaaraha iyagoo u maraya xisbiyada mucaaradka.

Netanyahu oo muddo xileedkiisii ugu horreyay ee jagada ra’iisul wasaare maraya ayaa waxaa xilka kala wareegay Barak.

Ariel Sharon

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Ariel Sharon

Ariel Sharon – ‘Dilaagii Beirut’

2001, Barak wuxuu ku dhawaaqay doorasho guud, taasi oo uuna xilka rai’sul wasaaraha kala wareegay ninka kale ee militariga Israa’iil caanka ka ah, Janaraal Ariel Sharon.

Muwaadiniin badan oo reer Israel ah, Janaraal Sharon waxa uu u yahay geesi dagaal, laakiin Falastiiniyiinta iyo Lubnaan waa ‘dilaa iyo dambiile dagaal’.

Sharon wuxuu ka mid ahaa abaanduulayaashii militariga ee ugu horeeyey sanadii 1948 kadib markii kooxaha xagjirka ah ee Yahuuda ay ku biireen xoogooda si ay u sameystaan ciidan kadib markii ay ku dhawaaqeen xorriyadda iyo asaaskii dal ay Israel leedahay.

Wixii intaa ka dambeeyay wuxuu sii waday hogaaminta xoogag badan dhamaan dagaaladii waawaynaa ee taariikhda Israa’iil ay gashay.

Raiisel wasaarihii hore ee Israa’iil, Yitzhak Rabin, wuxuu ku tilmaamay Sharon inuu yahay “taliyihii ugu xirfada badnaa taarikhda ciidamada dhulka.”

Dagaalkii Yom Kippur ee 1973, ciidamadii Sharon waxay galeen Masar, markii dagaalku dhammaadayna waxay joogeen magaalada Suweys, oo u jirta 60 mayl oo keliya meel ka baxsan caasimadda Masar, Qaahira.

Ariel Sharon

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,Ariel Sharon

Ariel Sharon

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,Ariel Sharon

Laakiin Sharon waxaa sidoo kale loo yaqaanay ‘dilaagii Beirut’ Magaca ayaa loo bixiyey markii uu ahaa Wasiirka Difaaca Israel ka dib xasuuqii ay ku dhinteen 500 ilaa 3,500 oo rayid ah, badankooduna ahaayeen Falastiiniyiin qaxooti ah.

Kooxda dilka fulisay waxay xulafo la ahaayeen ciidanka Israa’iil oo ciidanka uu hogaaminayo Sharon way ka hortagi kareen musiibada laakiin ma aysan dhexgalin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here