Madaxwaynaha Jsl Oo Shirkada DP World Ku Amaanay Shaqada Ay Dekeda Berbera Ka Qabtay .

0
41

Berbera (Saxilnews.com)-Madaxwayanha jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay gudaha Dekeda Berbera  ayaa si wayn u amaanay dawlada Imiraadka iyo maamulka sare ee shirkada DP World ee magaalada Berbera oo uu sheegay inay gundhig utahay waxqabadka hirgelay ee dekeda Berbera sida dhismaha balaadhinta  iyo casriyeynta Dekeda oo uu xusay inuu wakhtigii loogu talogalay ku dhamaaday xadhigana laga jaridoono , waxaa sidoo kale boogadiyey tayada Dekeda iyo xafiisyada oo sheegay inay dawlad ahaan ku qanacsan yihiin .

Waxaa madaxwayne Biixi si gaar ah uboogadiyey dadaalka iyo waxqabadka uu muujiyey maamulaha guud ee shirkada DP World  Supachai Wattanaveerachai , waxaa ku tilmaamay shakhsi hawlkar ah oo dadaal badan dhanka shaqda iyo hawl socodsiinta Dekeda Berbera .

Supachai Wattanaveerachai CEO DP WORLD BERBERA

Supachai Wattanaveerachai ayaa waxaa uu  kamid yahay rukunada waxqabadka ee dekeda Berbera gaar ahaana mashruuca balaadhinta Dekeda Berbera , waxaa kale oo masuul ka yahay dhamaan mashaariicda tageerada DP World ee somaliland ay siiso sida waxbarashada, Caafimaadka , Biyaha Iyo Kuwo kale oo tira badan oo ay ugu danbaysay quudinta dadka jilicsan ee bisha barakaysan ee RAMADAAN .

Dekeda Berbera ayaa kamid noqotay Dekeda ugu mashquulka badan Dekeda ku yaala gobolka tan iyo wakhtigii Dekeda Berbera maamulka u qabtay Dekeda Berbera .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here