Dhakhaatiir Ganacsata, Dawo Dhooban suuqyada, Dhibta shacabku qabo iyo Dhoohanaanta Dowladda

0
98

Dhakhaatiir Ganacsata, Dawo Dhooban suuqyada, Dhibta shacabku qabo iyo Dhoohanaanta Dowladda

Jamhuuriyada Somaliland waa Dal aan weli aqoonsi caalamiya helin, Mana aha Dal xidhiidh caalamiya oo xiddidaystay la leh wadamo badan, Somaliland waa Dal dakhligiisu hooseeyo, oo kamid ah dalalka aduunka ugu dakhliga yar, Hase ahaatee Somaliland waa Dal DADKIISU firfircoon yihiin oo ay furfuran yihiin, kuna Wanaagsan baayacmushtarka, waxayna xidhiidh ganacsi la leeyihiin dunida dacaladeeda, iyaga oo u kala goosha dalal badan si ay uga soo waaridaan shixmado ganacsi,waxayna safar ugu kala baxaan dunida afarteeda gees,waxa jira kenbeniyo dad reer Somaliland ahi leeyihiin oo xidhiidh caalamiya laleh dunida laamana kuleh wadamo badan, Jamhuuriyada Somaliland hada waxa ka socda ganacsi maalinba maalinta ka danbaysa kobcaaya kaas oo ay Ganacsato shuraako ah iyo kuwo keli keli ahba leh, Ganacsiyada sidda xawaaraha u kobcaaya waxa ka mid ah Hudheelada, dhismaha, iskuulada. Se ganacsiga xawaaraha uu ku socdo xadhkaha goostay waa baayacmushtarka Caafimaadka.

DHAKHAATIIR GANACSATA ayaa soo baxday oo siddii shaarshaarida shillin eryanaaya, Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland Waxa aad ugu soo badanaaya goobo caafimaad oo gaar looleeyey iyo farmasiiyo iyo shaybaadho intaba gaar looleeyey oo goobo ganacsi ah, dhamaan Dhakhaatiirta u diwaan gashan inay u shaqeeyaan dawladda, mid aan lahayn goob caafimaad oo uu gaar u leeyahay ma jiro, waxaad arkaysaa Dhakhtar jooga goob caafimaad sidda dhakhtarada Dowladda oo ku odhanaaya xagan sifiican wax laguuguma qabanaayee, hodhaw goobtayda kaalay, halkii ruuxa danyarta ah uu u eegi lahaa ee dawada jaban ama bilaashka ah ee dawlada siin lahaa ayuu baayacmushtar ka eegayaa, oo halka dhakhtarkan dawlada bilaashka uu ku arkaayo kiisa waa inuu tigidh u goostaa 10 doollar ama in ka badan ah, oo uu ku arkaayo, dawadii iyo sheebaadhkuna u dheer yahay, yaalaa dawada ay hayaan farmasiiyaha Dhakhaatiirtu gaarka u leeyihiin waa kuwo haya Dawooyinka yaala dhakhtarada Dowladda oo kale, waxa aad arkaysaa goobo caafimaad oo gaar loo leeyahay oo ay ka shaqaynayaan shaqaale da’doodu aad u yartahay, waxa aad arkaysaa farmasiiyo ay caruur da’yar ay hayaan oo ay dawada kaa iibinayaan, Siddoo kale haddii iraab laguu qoray ay kugu mudayaan, haddii dhaymo u baahantahayna ku dhayaaya, maxaayeelay waa goob ganacsi oo qoys leeyahay oo ubadka qoyska lagu carbinaayo si ay ganacsiga qoyska uga qayb qaataan, waxa kale oo Dalka kusoo badanaaya Dhakhaatiir ajahanabi ah oo debeda lagasoo waarido iyaga oo mudo kooban Dalka jooga, oo mudadaa waxa ay ku fuliyaan Qaliin, baadhitaan, iyo daweyn, Hadaba mudada waxay qalaan dad tiro badan, dadkii oo aan bogsan oo aanay eegin in qalniinkii wax u kordhiyey iyo in uu waxyeelo dheeraad ah u gaystay, ayey Dalka ka dhoofaan, ileen waa Dhakhaatiir Ganacsato ahe.

DAWO DHOOBAN SUUQYADA oo meel laga maro lahayn ayaa iyana jirta, waxa aad moodaysaa in Somaliland tahay goobta lagu sameeyo Dawooyinka, xadiga Daawo suuqyada wadhan owgeed, waxa jirta in dawadii noqotay shixmad baayacmushtar oo ruux kastaa keeni karo, taas oo sabab u noqotay in Dawooyin bug ah ama faalso ah Dalka lakeeno, sidda aynu ognahay dunida waxa ka jira kooxo maafiyo ah oo foojari gareeya wax wal oo la sameeyo si ay Cid u caameeyaan, waxyaabaha aadka iyaga oo bug ah lasameeyo Dawooyinka ayaa u badan, siddaa laajigeed ruuxa ganacsatada ah Hadduuna aqoon u lahayn waa lacaamayn, Siddoo kale shacabku waa danyar oo ma iibsan karaan Dawooyinka tayada leh ee qaaliga ah, ruuxii baayacmushtariga ahaana wixii kasoconaaya ayuu soo waaridayaa ha ahaato bug ama macmal Mar haddii raqiis tahay kana soconayso, Waxaad arkaysaa dilaaliinta u dhigdhigaaya farmasiiyada iyo goobaha caafimaadka ee gaarka looleeyey Dawooyin sidda bagaashka loo xaraashaayo, iyada oo dilaaliintu leh intaa ku fasax adigana intaas ayaa kuugu jiree, nasiibdaro dilaalku aqoon umalaha dawada Mana sharixi karo wax tarka iyo waxyeelada ku lifaaqan ee dawadaasi sababi karto, se waxa uu doonayaa in dawadaas ay socoto oo la iibsado, waxa aad arkaysaa dad loo qoraayo bushqado Daawo ah, kuwaas oo sababi kara in ruuxa waxyeelo ka weyn gaadhsiinkara ta ay Daawo ahaan ugu qaadanayaan, haddiiba aanay qudh-gooyaba ku noqon, waxa aad arkaysaa ruux antibaayotig (antibiotic) kiish loogu miisay oo dhowr bilood quudo lagu yidhi, waxyeelo ba’an ayey Shacabka u gaystaan Dawooyin si qaldan loogu qoray, kuwo dhacay, qaar tayadoodu hoosayso iyo Dawooyin bug ah oo Cid samaysay la aqoon oo digo iyo danbaska ah, Dawooyinka ilaa xitaa wadhatooyinka ayaa bacadka la fadhiya, oo Waxaad arkaysaa kaar-jabin siddii tamaandho laysku dul saarsaaray oo wadhato iibinayso ama kabadhe kaaryoonle ahi, Dawo haddii Dhakhtar iyo farmasii lagu ogaa maanta suuqyada waa Dawo wararac.

DHIBTA SHACABKU QABO oo Runtii laga gayoonahay soo bandhigeeda, hase ahaatee ta mudooyinkan danbe aad looga dayrinaayey waa waxyeelada loo gaysto Dadka, looguna geesto goobaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay, iyo siddoo kale dhakhtarada ajahanabiga ah ee Dalka intay mudo cayiman ku nagaadaan, haddana ka fulinaaya qalliino nolol badal ah, oo iyana Hagardaamo, waxyeelo naf iyo maalba leh u gaysta Shacabka, waxa aad arkaysaa inta ruux ee qalliin lagu sameey oo iyagii oo kasoo kaban qalliinka, bogsasho warkeed daaye, uu dhakhtarkii Dalka ka dhoofay dibna loo arag, waxa aad arkaysaa dad iyaga oo aan baadhitaan loo samayn iraab iyo kiniin lagu billaabayo, waxa aad maqlaysaa hebel ama heblaayo wey dhinteen oo Dawo khalad ahbaa lagu muday ama la liqsiiyey, waxa aad arkaysaa dad ka cabanaaya goobaha caafimaadka gaarka looleeyey oo leh Dhakhtaro maaha oo waa siddii Arbeerko oo kale Qolal iyo Sariiro loo kiraynaayo, dadbaa ku odhanaaya saacad heblaayo marka lagaadho waa in aad sariirta banaysaa, haddii ruux umushay tahay oo aanay khidmadii hayn inta ay soo qaadayso ilmaha ayaa laga Rahmayaa!.

DHOOHANAANTA DOWLADDA kahaysata xaaladaha murugaysan ee Dalka gudihiisa ka taagan sidda ay u mooganyihiin ee aanay uga warhayn Dhibaatooyinka uu shacabku qabo, waa wax laga xumaado, waana masuul-daro, siddaynu ognahay waxa qudha ee aan la iibsan karin waa naf, Naftuna waa Nolosha, noloshuna waxay nolol kuu tahay waa caafimaad qabka, siddaa laajigeed shacab caafimaadkooda laga war hayaa waa shacab rajo iyo Dan laga leeyahay, waxay u muuqataa in Xukuumaddii gabtay shacabkii, iyada oo aynu ogsoonahay in 96% Shacabka Somaliland aynan ku tiirsanay Dowladda oo aynan ka helin wax gargaar iyo Guno toona, se xaga kale Xukuumadu 100% waxay wax ka heshaa waa Shacabka ha ahaato cashuurta ay ka qaado ama waxa deeqbixiyaashu ku bixiyaan madaxda Ummada, hase ahaatee Xukuumadu Waxaad moodaa inay moogantahay taa, sababta oo ah in aanay hoos u eegin shacabka duruufaha haysta iyo sidday xitaa ajahanabi tabtii caruusadihii wax lagu bari jiray intuu u qalqalo iyagii oo kala wadhan lasii galbinayo ee Dalka ka huleelaya, Sidda wasaarada caafimaadku uga gaabisay dabagalka Dawooyinka Dalka soo gala iyo inay baadhaan dawooyinku inay Dawooyin sax ah yihiin, in Dhakhtaradan dadkii danyarta ahaa dhiig miiranaaya ee lacagta lagu arkaayo inay Ummada ka qabato, oo Dawooyinkan siddii bagaashka loo keenaayo sharci u dejisaa, oo ajahanabigan Dadka ku barbaranaaya ka joojisaa, Hadal iyo dhamaan haddii xukuumaddii iyana baayacmushtari noqoto Dal iyo Dad masii jiro doono, waayo shacabka intiisa badani aadbuu u jilicsanyahay oo abaarihii iyo biyo la’aantii ayuu dalag iyo dunyaba ku waayey ciddina umay guntan, iminkana caafimaadkoodii ayaa ganacsi galay oo wadaado iclaajlayaal ah iyo Dhakhaatiir Ganacsata iyo Dawo Dhooban suuqyada ayaa isku kaashaday oo Runtii dhib ayey qabaan ee waa in dowladdu dadkeeda xaalaysaa.

Illaahay baa Mahad leh

Midnimana Somaliland

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here