Mahmoud Dicko, oo ah Imaam, wuxuu hoggaaminayaa mudaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo madaxweynaha ay xaaladda ku xun tahay ee waddanka ku yaalla Galbeedka Afrika, Mali.
Dadka dibadbaxyada sameynaya, oo aan ka cabsaneynin cudurka safmarka ah ee coronavirus, ayaa ol’olahooda ka wada guud ahaan waddanka Mali, iyagoo dalbanaya inuu xilka iska casilo madaxweyne Ibrahim Boubacar Keïta.
Arrimaha ay shacabka ka cabanayaan waxaa ka mid ah musuqmaasuq, adeegga dowladda oo aad u liita iyo wax isdabamarin dhinaca doorashada ah oo horseedday in lagu shubtay codad.
Dhammaan hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa u midoobay inay ka soo hor jeestaan madaxweynaha, waxayna abaabuleen mudaharaadyo.
Laakiin dadaalkooda waxba kama suurtoobin, mana aysan ku kasbanin dareenka shacabka.
Hase yeeshee Mahmoud Dicko, oo ah imaam ayaa isku duway tobannaan kun oo ruux, kuwaasoo waddanka oo dhan gilgilay, kuna khasbay madaxweyne Keïta iyo golihiisa wasiirrada inay wadaxaajood ku dhawaaqaan.
Dibadbaxyada uu imaamkan hor kacayo dalka Mali lagama arkin muddo tobannaan sano ah.
Wuxuu door muhiim ah ka ciyaarayaa caqabadda uu markan ka gudbi la’yahay madaxweynaha Mali ee ay mucaaradkiisa u maaro waayeen.
Imaamku wuxuu u muuqdaa nin tamar iyo fikrado badan u haya sidii wax looga baddali lahaa habdhaqanka dowladda.
Waddanka Mali ayaa wajahaya dhibaatooyin aad u waaweyn, iyadoo xitaa ay ka howl galaan ku dhawaad 15,000 oo ciidamo shisheeye ah. Waxaa sidoo kale la geeyaa gargaar bani’aadannimo oo aan wali laga dhargin.
Imam Dicko, oo hadda siyaasadda ku cusub, wuxuuna kasoo jeedaa hoggaamiyeyaasha diimeed ee aad awoodda badan ku lahayn waddankaas ay muslimiinta u badan yihiin.
Awoodda uu Imaam Dicko wax ku abaabulay ayaa sababtay in xulafadiisa dhinaca siyaasadda ay fursad u helaan wadahadal ay la galaan xukuumadda.
Maalintii Talaadada, hoggaamiyeyaasha dowladda Mr Keïta ayaa la fariistay madaxda isbahaysiga mucaaradka ee magaciisa loo soo gaabiyo M5.
Laakiin labo maalmood ka hor xilligaas, waxay kulan la yeesheen Imaamka, iyagoo ogaa in tallaabada uu qaaday ay tahay mid aad u saameyn badan.
Tobankii sano ee ugu dambeysay ayuu Imaamkan door weyn ka qaadanayay nolosha shacabka, laakiin maanta wax intaas ka weyn ayuu qabanayaa.
Bishii April ee sanadkii 2019-kii, wuxuu abaabulay mudaharaadyo khasab ka dhigay in shaqada laga eryo Ra’iisul Wasaarihii xilligaas, Soumeylou Boubeye Maïga.
Wuxuu soo caan baxay sanadkii 2009-kii, kaddib markii loo magacaabay madaxa Gole Islaami ah oo heer sare ah, markaasoo uu hoggaanka u qabtay dibadbaxyadii xilka looga tuuray madaxweynihii xilligaas Amadou Toumani Touré.
Arrintaas waxay xaqiijisay doorkiisa caanka noqday ee dhinaca diinta.
Imaam Maxamuud wuxuu gobolka Timbuktu ku dhashay bartamihii 1950-meeyadii, markiisii horena wuxuu ahaan jiray macallin dhiga luuqadda Carabiga.
Markii uu waxbarashadiisa kusoo dhammeystay Sacuudi Carabiya, wuxuu imaam ka noqday masaajid ku yaalla xaafadda Badalabogou, oo ka tirsan caasimadda Bamako.
Wuxuu sidoo kale ahaan jiray xog-hayaha guud ee urur diimeedka ay dowladdu aqoonsan tahay, wuxuuna xilkaas hayay ilaa markii lasoo afjaray xukunkii halka xisbi ahaa, muddo 30 sano ka hor ah.
Inkastoo uu wax kusoo bartay Sacuudiga, haddana Imam Dicko waligiis ma uusan taageerin nidaamka loo yaqaanno Wahaabiga ee ka jira dalkaas.
Maanta wuxuu ka dhex muuqdaa xasaradaha siyaasadeed ee dalkiisa, wuxuuna rajo doon u yahay dadweyne aad u farabadan, oo u xusul duubaya sidii uu meesha uga bixi lahaa madaxweyne Ibrahim Boubacar Keïta.
Sanadkii 2013-kii, wuxuu Imaamkan xilligii doorashada taageersanaa Mr Keïta, oo markaas u tartamayay xilka madaxweynaha.
Keïta wuxuu ku ol’oleynayay inuu dalka ka bixin doono xasarado culus oo jiray labadii sano ee xilligaas ka horreysay.
Ballanqaadyadii uu sameynayay Keïta ayaa u sahlay in doorashadaas iyo tii xigtay ee 2018-kii si weyn uga guuleysto musharraxii loollanka adag galinayay, oo lagu magacaabo Soumaïla Cissé.
Laakiin maanta, madaxweynuhu wuxuu dareemayaa cadaadis xoog badan iyo go’doon siyaasadeed, halka Mr Cissé ay afduub ahaan u heystaan kooxaha mintidiinta ah ee jihaad doonka ah, kuwaasoo gacanta ku dhigay xilli uu bishii March ol’ole doorashada baarlamaaniga ah ka waday deegaan miyi ah.