Yaa sugaya amniga madaxda ku shireysa Dhuusamareeb?

0
20
Shirka Galmudug

Magaalada Dhuusamareeb ee xaruunta maamulka Galmudug waxaa ku sugan madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo madaxda maamul gobaleedyada oo halkaa oga arrinsanaya doorashada Soomaaliya la filayo in ay ka dhacdo.

Maadama wufuud heer Fedaraal iyo heer maamul gobaleed ah ay magaaladaas joogaan, haddaba waxyaabaha muhiimka u ah magaalada waxaa ka mid ah amniga madaxda iyadooo qaar ka mid madaxda maamul gobaleedyada ay wataan ciidamo gaar ah oo amnigooda sugaya.

Waa sidee amniga Dhuusamareeb?

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb, Cabdiraxman Cali Geeda-Qoroow, oo BBC-da u waramay ayaa sheegay in amniga magaalada uu aad u wanaagsanyahay isla markaana ay sugayaan ciidamada amniga maamulka Galmudug.

Balse wuxuu intaa raaciyay in ciidamada kale ee sida gaar gaarka ah u sugaya amniga madaxda ay ku suganyihiin goobo gaar ah oo loo cayimay.

“Halkan maamulka Galmudug ah ayay gogashu taallaa waxaana xagga amniga gacanta ku haya ciidamada Galmudug, askarta kale ee yimidna qolo walba goobtii loo cayimay ayay joogtaa qaabka loo wada shaqeynayo marka ay shirarku dhacayaanna si wada jir ah oo la isla ogalyahay ayaa looga wada shaqeynayaa,” ayuu yiri guddoomiye Geeda-Qoroow.

Sidoo kale ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa sugaya amniga hareeraha magaalada iyo dhamaan goobaha laga soo galo, taasi oo muhiim u ah la socodka dhaqdhaqaaqa xaaladda guud ee amniga.

Madaxda Maamul gobaleedyada
 

Ciidamada tirada badan ee ka yimid deegaannada kale duwan ee jooga magaalada waxay u baahan yihiin is faham iyo is aaminaad marka ay timaado in si wada jir ah looga shaqeyo adkeynta ammaanka gaar ahaan goobaha ay degganyihiin madaxda iyo mas’uuliyiinta kale ee halkaa ku sugan.

“Aadbaa la isu aaminsanyahay waana la isku calool furanyahay; waa la wada shaah cabaayaa; waa la isla socdaa, waana la is booqdaa wax mushkilad ahna meeshan kama jiraan, sideena mushkiladdu waxey tahay siyaasadda; marka uu siyaasadda dhib ka jiro oo lagu kala shakisanyahay oo aan la isku imaan karin oo aan la isla hadli karin oo aan la isla xiriiri karin, ayay ciidamaduna kala qaadanayaan -fikirkaas – ay madaxdoodu kala qabto, balse madaxda halkan timid mid walbaa wuxuu u yimid in meeshaan uu heshiis ka helo oo wax dalka Soomaaliya u aayo uu ka qaato,” ayuu yiri guddoomiyaha magaalada Dhuusamareen oo la hadlay BBC Somali.

Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macallin Fiqi, ayaa isna BBC Somali u sheegay in amniga magaalada la adkeeyay isla markaana ay sugayaan ciidammada dowladda iyo kuwa Galmudug.

“Amniga boqolkiiba waa boqol; ciidammada ammaanka ee Galmudug iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, intuba waxay runtii ku dadaaleen in ay iska xil saaraan howlaha amniga shirka wadatashiga ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.”

Farmaajo iyo Fiqi

“Shir kasta oo dhacaya, madaxweyneyaashu xitaa marka ay Xamar imaanayaan, ciidammo gaar ah wey wataan weyna qaadan jireen, marka in madaxweyne walbo dadka qaabilsan amnigiisa uu soo wato qeyb kalsoonida ka mid ah weeye, sidaas oo ay tahay Galmudug wey ku filantahay in guud ahaan ay amniga dhowrto,” ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi.

Shir horudhac u ah wejiga labaad ee shirkii madaxda mamaul gobaleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Dhuusamareeb, waxaana maamulka Galmudug uu kalsooni ka muujinayaa in ciidamadooda iyo kuwa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo wada jira, ay xajin doonaan amniga isla markaana tan iyo dhamaadka shirka aaney dhici doonin wax amniga lid ku ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here