Haweeneyda mas’uulka ka ah aasaasidda Maalinta Hooyada Adduunka, oo ah munaasabad dalal badan laga xuso Axadda labadaad ee bisha May, waxaa laga yaabaa inay ka fikiri lahayd inay inay ansixiso dabaaldagyada sanadkan dhacaya. Waxay ka argagaxday sida maalintan loo ganacsiyeeyay – waxayna gaartay ilaa heer ay u ol’oleyso sidii loo burburin lahaa jiritaankeedaba.
Markii Elizabeth Burr dhowr maalmood ka hor laga soo wacay telefoon uu usoo diray qof su’aalo ka weydiinayay taariikhda qoyskeeda, ugu horreyntii waxay u maleysay in ay lasoo xiriireen qolyaha wax khiyaameeya ee xogta dhaca. “Waxaan isdhahay, ‘waawareey aqoonsigeygii waa la xaday, waligey dambe ma arki doono lacagteyda,'” ayey tiri.
Laakiin xaqiidii qofka soo wacay waa haweeney cilmi baarista taariikhda sameysa oo raadineysay sheekooyinka ku saabsan dadkii qaraabada la ahaa Anna Jarvis, oo ah gabadhii aasaastay munaasabadda Maalinta Hooyada Adduunka, muddo hal qarni ka hor ah.
Anna Jarvis waxay ka mid ahayd 13 carruur ah, oo 4 ka mid ah uun ay noolaayeen ilaa inta ay ka weynaanayeen. Walaakeed ka weyn ayaa midka kaliya ee carruur dhalay, balse badankood waxay iyagoo yar yar u dhinteen cudurka qaaxada, qofkii ugu dambeeyay ee fariciisa tooska ahna wuxuu geeriyooday 1980-meeyadii.
Sidaas darteed Cilmi-baare Elisabeth Zetland, oo ka tirsan xarunta MyHeritage, waxay go’aansatay inay raadiso ilma-adeerradii carruurtiisa, sidaas ayeyna kusoo heshay Elizabeth Burr.
Markii Elizabeth loo xaqiijiyay in lacagtii u keydsaneyd ay u nabad qabto, waxay xarunta MyHeritage uga warrantay warka layaabka leh ee ku saabsan in aabeheed iyo eedeeyinkeed aysan u dabbaaldagi jirin Maalinta Hooyada Adduunka, xilligii ay soo korayeen – iyagoo ujeeddadooda ay tahay inay qaddarin u muujiyaan Anna, maadaama fikraddeedii ka dhacay ganacsi ahaanna loo isticmaalay.
Ol’olihii Anna Jarvis ay u sameysay in la aasaaso maalin khaas u ah hooyooyinka wuxuu ahaa mid ay ka dhaxashay hooyadeed, oo lagu magacaabi jiray Ann Reeves Jarvis.
Mrs Jarvis waxay waqtigeedii oo dhan ku dhammeysatay qabanqaabinta hooyooyinka si ay carruurtooda u xannaaneeyaan, sida ay sheegtay Katharine Antolini, oo ku takhasustay arrimaha taariikhda. Waxay sidoo kale dooneysay in howsha ay hooyooyinka hayaan la aqoonsado, maalin gaar ahna la xuso.
“Waxaan rajeynayaa oo aan ku duceysanayaa in maalin maalmaha ka mid ah loo asteeyo hooyooyinka, iyagoo looga mahadcelinayo adeegga aysan ka daalin ee ay u hayaan qeybaha kala duwan ee nolosha bani’aadamka,” sidaas ayaa lasoo wariyay inay tiri Mrs Jarvis.
Laga soo billaabo 1858-kii, waxay wadday qorsheynta ururro u udhaqdhaqaaqa wax baridda hooyooyinka iyo wacyigalinta loogu baraarujinayo arrimo badan oo khuseeya iyaga, si loo yareeyo xaddiga dhimashada carruurta xilliga ay dhalanayaan iyo marka ay dhashaan kaddib. Inta badan dhimashadaas waxay ka imaan jirtay cudurro saameeyay deegaankooda Grafton, oo ka tirsan Galbeedka Gobolka Virginia, ee dalka Mareykanka.
Ururrada ay sameysay waxay hooyooyin badan ka barteen faa;iidada ay leedahay nadaafadda, sida muhiimadda weyn ee ku jirta in biyaha cabitaanka loo karkariyo carruurta.
Qabanqaabiyeyaasha waxay bixin jireen dawooyin iyo adeegyo loogu talagalay qoysaska xanuunsan. Markii ay lagama maarmaan noqotana, waxaa karantiil la galin jiray qoysas idil – si looga hortago inay dillaacaan cudurro bulshada ku faafa.
Mrs Jarvis lafteeda waxaa ka dhintay sagaal carruur ah, kuwaasoo ay ku jiraan shan ka geeriyootay intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Mareykanka (intii u dhaxeysay 1861-kii ilaa 1865-kii) intooda badanna waxay u saqiireen cudurro, sida ay sheegtay Antolini, oo ah barfasoorad wax ka dhigta mac-hadka West Virginia Wesleyan.
Markii ay Mrs Jarvis geeriyootay sanadkii 1905-tii, iyadoo ay ku hareereysnaayeen shan carruur ah oo u nooleyd, Anna oo aad u murugeysneyd ayaa wacad ku martay inay fulin doonto riyadii hooyadeed, oo ahayd in la aasaaso Maalinta Hooyada Adduunka, taasoo ka duwan habka ay maanta tahay, sida ay sheegtay Antolini.
Halka ay Mrs Jarvis ka dooneysay in la xuso shaqada ay hooyooyinka u qabteen horumarinta nolosha dadka kale, Anna fikirkeedu wuxuu ahaa mid iyada gabar ahaan ay hooyadeed ugu talagashay.
Waxay ujeeddadeedu ahayd in la xuso “Maalinta Hooyada”, oo ka duwan “Maalinta Hooyooyinka”, taasoo micnaheedu yahay in qof walba uu xuso Hooyadiis.
“Anna waxay dooneysay in maalintan maamuuskeeda laga dhigo in fasax loo helo imaashada guriga, si uu qofka qaddarin gaar ah ugu muujiyo hooyadiis, maadaama ay tahay haweeneyda kaliya ee nolosheeda oo dhan kuu qoondeysa adiga,” ayey tiri Antolini.
Farriintan waxay ahayd mid uu qof walba si faahfaahsan u fahmayo.
Saddex sano kaddib geeridii Mrs Jarvis, munaasabaddii ugu horreysay ee Maalinta Hooyada ayaa looga dabbaal dagay kaniisad ku taalla Grafton – Anna Jarvis ayaa dooratay in xuskan lagu aaddiyo Axadda Labaad ee bisha May, maadaama ay mar walba ku dhowdahay 9-ka May, oo ah maalintii ay hooyadeed geeriyootay.
Anna waxay boqollaal ubaxyo cad cad oo noocii ay hooyadeed jecleyd ah siisay hooyooyinkii ka qeyb galay xafladdaas ugu horreysay.
Marka marka ka dambeysa waxay sii caan baxeysay munaasabaddan. Ilaa waxaa markii dambe la gaaray in qof kasta uu si bilaash ah ku helo ubaxyada cad ah, kuwaasoo markii hore “lasoo baryi jiray, lasoo amaahan jiray ama lasoo xadi jiray”.
Sanadkii 1910-kii, Maalinta Hooyada waxay noqtay mid fasax ka ah Gobolka Galbeedka Virginia, markii lasoo gaaray sanadkii 1914-kiina waxaa maalin fasax qaran ah ka dhigay madaxweyne Woodrow Wilson.
Wixii ugu weynaa ee munaasabaddan kusoo kordhay wuxuu ahaa hammiga ganacsiga. “Inkastoo Anna aysan waligeed jecleyn in ganacsi lagu lifaaqo, haddana goor horeba waa lagu billaabay. Marka shirkadaha ubaxa sameeya, kuwa qalabka hadiyadaha warshadeeya iyo kuwo kale ayaa durbadiiba tartan ku billaabay, heer aad u sarreeyana gaarsiiyay munaasabaddan,” ayey tiri Antolini.
Laakiin taasi gabi ahaanba ma aha wax ay rabtay Anna.
Markii uu qiimaha ubaxa cad cirka isku shareeray, waxay soo saartay war-saxaafadeed ay ku cambaareyneyso dadka arrintaas mas’uulka ka ah.
Markii la gaaray sanadkii 1920-kii waxay dadka ku boorrineysay inaysan gadanin wax ubax ah.
Waxay ku xanaaqsaneyd shirkad kasta ama urur kasta oo maalinta ay aasaastay u adeegsada wax aan ahayn sidii ay iyada ka damacsaneyd, sida ay ku warrameyso Antolini. Kuwa ay ka careysneyd waxaa ku jira hay’adaha samafalka ee maalintaas fasaxaha ah u adeegsada dhaqaale aruurinta, xitaa haddii ay lacagahaas u aruurinayaan si loogu caawiyo hooyooyin sabool ah.
“Waxay ahayd maalin loogu talagalay in lagu xuso hooyooyinka, ma aha in bannaanka lasoo dhigo saboolnimadooda,” ayey tiri Antolini, oo sharraxeysay. “Taas waxaa sii dheer in qaar ka mid ah ururrada samafalka ah aysan lacagta la aruuriyay u adeegsan jirin hooyooyin sabool ah, sida ay sheeganayeen.”
Maalinta Hooyada waxaa markii dambe la gaarsiiyay heer ilaa heer lagu daray doodaha ku saabsan xuquuqda haweenka ee codeynta doorashada.
Dad badan ayaa ku dooday in booska saxda ah ee haweenka uu yahay guriga iyo inay ku mashquulsanaato carruurteeda iyo seygeeda.
Qaar kalena waxay ku doodeen in haddiiba ay ku filantahay ubadkeeda iyo seygeeda ay ku dari karto inay codkeeda ka dhiibato siyaasadda.
Sida ay u muuqato, qofka kaliya ee aan wax faa’iido ah ka helin Maalinta Hooyada, waa Anna lafteeda. axay diidday lacag lasoo raadsadeen shirkado ubaxa sameeya.
“Waligeed lacag kama soo galin munaasabaddan, si fudud ayeyna lacag badan uga heli kartay. Arrintaas aad baan ugu jecleystay iyada,” ayey tiri Antolini.
Anna iyo walaasheed Lillian, oo labadoodaba ugu dambeyn indhaha beelay, waxay ku noolaayeen dhaxalkii aabahood iyo walaalkood Claude, kaasoo taxiile ahaan jiray ka hor inta uusan u geeriyoonin wadne xanuun.
Laakiin Anna waxay dagaal culus u gashay sidii ay u kala saari lahayd maalinta Hooyada iyo ujeeddooyinka ganacsi ee lagu lifaaqay.
Xitaa ka hor inta aysan maalintan noqonin fasax qaran, waxay sheegatay xuquuqda jumladda “Axadda labaad ee May, Maalinta Hooyada”, waxayna ku hanjabtay inay maxkamad la tiigsan doonto qof walba oo maalintaas xusa isagoo aan fasaxeeda heysanin.
Sanadkii 1944-kii waxaa maxkamadda u yaallay ilaa 33 kiis oo ku saabsan dad ay dacweysay.
Xilligaas waxay ahayd 80 jir, indhahana waxba badan kama aysan arkeynin, xitaa maqalka dhagaheedana aad ayuu u liitay.
Waxaa soo baxay warar ku saabsan in shirkadaha floral iyo card oo ka ganacsan jiray ubaxyada iyo hadiyadaha ay si qarsoodi ah u bixin jireen kharashka ku baxa daryeelkeeda.
Mid ka mid ah ficilladii ugu waaweyn ee ay sameeyeen Anna iyo walaasheed wuxuu ahaa inay magaaladii ay dagganaayeen guri guri u galeen, iyagoo dadka ka aruurinaya saxiix loogu ol’oleynayo in la burburiyo munaasabadda Maalinta Hooyada, oo gabi ahaanba meesha laga saaro.
Jane Unkefer, oo ah 86 jir, oo ah haweeney kale oo ilma adeer koowaad la ahayd Anna (Elizabeth Burr eeddadeed), waxay u maleyneysaa in Anna ay aad uga xumaatay munaasabaddeeda la gacansiyeeyay.
“Waxay ila tahay inay hanti badan heysteen, laakiin lacagteedii oo dhan waxay ku bixisay sidii ay u baabi’in lahayd munaasabaddaas,” ayey tiri.
“Waa ceeb. Ma doonayo in loo fahmo inaysan qoyska daryeel fiican ka helin, laakiin ugu dambeyn qabri fiican xitaa ma aysan helin.”
Waxaa laga yaabaa inay ehelkeeda caawin waayeen markii ay nolosheeda soo gabagabowday, laakiin waxay ku sharfeen inaysan xusin maalinta ay aasaastay balse ujeeddadeedii laga weeciyay.
Dhowr jiil oo ka dambeysay ma aysan u dabaaldagin Maalinta Hooyada