Kooxda ree Germany ee Borussia Dortmund ayaa lagu soo warramayaa inay hoggaanka u hayso saxeexa da’yarka Birmingham City ee Jude Bellingham oo ay xiiso u muujinayeen qaar kamida kooxaha ugu waaweyn Premier League.
Bellingham oo ah kaliya 16 sano jir ayaa ah mid si weyn looga hadal hayay kooxaha waaweyn ee qaarada Yurub kaddib markii uu xilli ciyaareedkani u noqday mid uu bandhig weyn oo soo jiidasho leh soo sameeyay.
Sida uu haatan sheegayo wargeyska ree Germany ee Bild, Dortmund ayaa ku guuleysatay saxeexa Bellingham waxaana ay haatan isku diyaarinayaan inay rekoodhkooda suuqa kala iibsiga u jabiyaan saxeexiisa suuqa xagaaga.
Dortmund ayaa diyaarinaysa lacag dhan 35 Milyan oo euro waxaana lagu wadaa in heshiiska Bellingham la dhammeeyo isla marka uu furmo suuqu.
Bellingham oo xilli ciyaareedkan saddex gool iyo saddex caawimo kasoo sameeyay 31 kulan oo uu matalay kooxda lagu naanayso Blues ayaa ku haboon hanaanka Borussia Dortmund ee ah inay la saxeexato da’yar hibo wacan oo ay u bedesho xiddigo waaweyn.
Dortmund ayaa sidaas horeba ugu soo samaysay Jadon Sancho oo ay kala wareegeen Manchester City waxaana ay haatan wadaan qorshaha ay Erling Haaland oo bishii January u wareegay ugu gudbinayaan heerka xiga ee xirfadiisa.
16 sano jirkan ayay ku raad-joogeen saddexleyda Premier League ee Manchester United, Liverpool iyo Chelsea waxaan sidoo kale meesha ka maqnayn magacyada Barcelona iyo Real Madrid.