Kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay dajisay qorshaha ay ku doonayso saxeexa weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez oo muddooyinkii ugu dambeeyay lagu sifaynayay mid kamida bar-tilmaameedyadeeda ugu waaweyn.
Barcelona ayaa gudaha toddobaadkan guuldarro 2-0 ah kala soo kulantay kooxda ay inta ugu badan xifaaltamaan ee Real Madrid kulan ay goolasha dhaliyeen Vinicius JR iyo Mariano Diaz oo ay hoggaanka kula wareegtay Madrid.
Kaddib fashilkaas, Maamulka sarre ee Barca ayaa lagu soo warramayaa inay go’aamiyeen inay u baahan yihiin ugu yaraan afar saxeex xagaaga soo socda oo uu kamid yahay weeraryahan bedel u noqda Luis Suarez.
Si kastaba, Iyadoo dookha Barcelona ee booska weerarka loo arko Martinez ayuu haatan il-wareedka FcInterNews uu shaaca ka qaaday in Barca ay doonayso inay Inter iskugu darto lacag iyo laba ciyaartoy si ay ugu qanciso inay ka hesho weeraryahankeeda.
Labada xiddig ee ay sababta Lautaro seeftu u qaadi doonto ayaa lagu sheegay Arturo Vidal iyo Nelson Semedo kuwaas oo dhinaca kale u wareegi kara haddiiba uu heshiisku suurogalo waxaana intaas dheer 70 Milyan oo euro.
Vidal ayaa lagu qiimeeyaa lacag dhan 20 Milyan oo euro halka 40 Milyan lagu qiimeeyo Semedo taas oo ka dhigan in guud ahaan heshiiska ay Barca doonaysaa uu 130 Milyan oo euro joogo.