20-ka Weeraryahan Ee Ugu Wanaagsan Qaaradda Yurub Xili Ciyaareedkan Oo La Shaaciyey Iyo Laacibka Hoggaaminaya

0
25

Weeraryahannada ugu wanaagsan qaaradda Yurub xili ciyaareedkan socda ayaa lagu dhawaaqay, waxaana ka dhex muuqda badi ciyaaryahannada magaca leh marka laga reebo Lionel Messi oo si lama filaan ah looga dhex waayey.

Weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa kaalinta ugu horreysa ka galay liiska 20-ka weeraryahan ee ugu fiican waqtigan, waxaana sidoo kale ka dhex muuqda dhaliyeyaasha Tottenham, Liverpool iyo Real Madrid ee Harry Kane, Luis Suarez iyo Karim Benzema.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo kaalinta labaad ee gool-dhalinta horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A ku jira, ayaa liiskan kusoo baxay, si la mid ah sannadihii uu magaciisu taagnaa ee uu u ciyaarayay Manchester United iyo Real Madrid.

Ad by Valueimpression

Xog ururin ay samaysay barta WhoScores.com ayaa waxa lagu soo bandhigay kuwa ay yihiin 20-ka weeraryahan ee ugu halista badan shanta horyaal ee ugu waaweyn qaaradda Yurub ee Premier Legue, LaLiga, Serie A, Bundesliga iyo Ligue 1.

Laacib kasta waxa lagu qiimeeyey tirada kulamada uu ciyaaray iyo goolasha uu dhaliyey, iyadoo raad-raac looga dhigayo waxqabadkiisa kale ee gudaha garoonka.

Liiska waxa kaalinta ugu dambaysa kaga jira dhaliyaha Villarreal ee Gerard Moreno, oo uu ku xigo Roberto Firmino oo inkasta oo dhalintiisu yar tahay haddana shaqadiisa weerar ay sabab u tahay in Mohamed Salah iyo Sadio Mane ay helaan fursado goolal ay ku dhaliyaan, halka culayska oo dhanna uu isagu ka furto oo uu dhexdooda uga shaqeeyo abuurista kubbadaha ay saxeexayaan.

Harry Kane oo 20 ciyaarood oo uu u saftay Tottenham u dhaliyey11 gool ka hor intii aanu dhaawac culus soo gaadhin, ayaa sidoo kale liiska ku jira, waxaase kaalinta ugu sarraysa isku eryanaya Lewandowski iyo Kylian Mbappe oo aanu farqi badan oo dhinaca qiimaynta ah u dhaxaynin.

Xiddiga Real Madrid ee Karim Benzema oo abaar ku jira kaddib waqti fiican oo xili ciyaareedkan uu soo qaatay iyo Romelu Lukaku oo goolal badan u dhaliyey Inter Milan ayaa iyaguna boosaskooda helay.

Halkan kaga bogo liiska 20-ka weeraryahan ee ugu fiican shanta horyaal ee qaaradda Yurub iyo qiimaynta ay haystaan:

20. Gerard Moreno – 7.28

19. Roberto Firmino – 7.29

18. Harry Kane – 7.30

17. Raul Jimenez – 7.33

16. Alassane Pléa – 7.33

15. Wissam Ben Yedder – 7.35

14. Richarlison – 7.35

13. Marcus Thuram – 7.39

12. Karim Benzema – 7.45

11. Romelu Lukaku – 7.49

10. Edin Dzeko – 7.50

9. Luis Suárez – 7.56

8. Duvan Zapata – 7.58

7. Memphis Depay – 7.59

6. Timo Werner – 7.65

5. Ciro Immobile – 7.70

4. Cristiano Ronaldo – 7.92

3. Josip Ilicic – 7.95

2. Kylian Mbappe – 8.14

1. Robert Lewandowski – 8.16

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here