USA(saxilnews.com.com)-Wiil uu dhalay sarkaal ka tirsan booliiska Maraykanka ayaa la xidhay isaga oo looga shakisan yahay in uu rasaas ku riday kiniisad ay leeyihiin dad madaw oo ku taalla Koonfurta gobolka Louisiana ee dalka Maraykanka, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Holden Matthews oo 21 jir ah ayaa la xidhay Arbacadii, isaga oo loo haysto saddex dacwadood oo ku saabsan in uu waxyeelo ka gaystay dhisme lagu cibaadaysto.
Weerarkaas dhimasho iyo dhaawac kama dhalan, balse wuxuu reebay xasuus xanuun badan.
John Bel Edwards oo ah badhasaabka gobolka Louisiana ayaa sheegay “in camalkan shaydaanka” uu ka shidaal qaadanayo taariikhdii madoobayd ee cagajuglaynta iyo cabsida ku salaysnayd.
Badhasaabka oo xisbiga Dimuqraadiga ka tirsan ayaa sheegay in weerarkan uu gaystay “shaqsi maanlaawe ah” wuxuuna intaas ku sii daray in qiyamka gobolka Louisiana aysan ka mid ahayn nacayb.
Masuuliyiintu waxay sheegeen in booliisku aysan wax dhibaato ah kala kulmin xiritaanka Matthews. Wiilkan ayaan horay dambi u galin laguna aqoonin rabshado iyo dagaal.
Baareyaasha ayaa sheegay in ay eegayaan dhawr waxyaabood “oo arrintan ku qaadi kara” balse ay ogaadeen in Matthews uu ku lug leeyahay nooc heeso ah oo taariikh ahaan lala xiriiriyo kiniisado gubid.
Facebook-giisa waxaa ugu qoran in uu yahay fannaan ka tirsan koox heeeta oo la dhoho Vodka Vultures isla markaasna uu heesaha u qoro.
Matthews ayaa sidoo kale aragti ka dhiibtay hees uu leeyahay Kristian “Varg” Vikernes kaas oo sannadkii 1994-tii xabsi loogu xukumay in uu Norway kiniisad ku gubay dadna ku laayay.