Orodyahan guuleystay isagoo kab la’an ah

0
24
.Lahaanshaha sawirkaAFP
Image captionTartanka orodka saddexda kun ee mitir

Orodyahan u dhashay dalka Kenya oo lagu magacaabo Conseslus Kipruto ayaa muujiyay dhabar adeeg si uu ugu guuleysto orodka saddexda kun ee mitir, kadib markii mid kamid ah kabihii uu xirnaa ay ka baxday xili uu ka qeyb galayaya tartanka IAAF Diamond oo ka dhacayay magaalada Zurich ee dalka Switzerland.

Mr Kipruto ayaa markii uu usoo gudbay qeybta kala wareega ee tartanka waxaa ka baxay kabta bidix, hasayeshee uma uusan joojin oo halkii ayuu kasii waday tartanka.

Markii uu soo dhamaaday tartanka ayaa Mr Kipruto mar wax laga weydiiyay waxa uu dareemay markii ay kabtu ka siibatay ayaa waxaa uu sheegay inay jahwareer ku keentay, balse ay kusii dhiiragelisay inuu sii dedaalo.

.Lahaanshaha sawirkaEPA
Image captionTartanka orodka saddexda kun ee mitir

Ninkan oo markii ay kabtu ka baxday dhaawacmay ayaa waxaa uu wareegii ugu dambeeyay tartanka kaga adkaaday orodyahan kale oo u dhashay dalka Moroco oo lagu magacaabo Soufiane El Bakkali.

” Aad bay u adkeyd oo ay u xanuun badneyd inaan ordo anigoo hal kab oo keliya xiran, balse aad ayay ii dhiiragelisay” waxaa sidaasi bartiisa twiter-ka ku qoray Kipruto.

Markii Mr Kipruto uu soo gaaray heerka gebagebada ee tartanka ayaa waxaa qeylo iyo sawaxan isku daray dadkii daawanayay tartanka, iyagoo na la dhacsanaa dedaalka uu muujiyay.

Dadka reer Kenya ee isticmaala baraha bulshada oo uu kamid yahay madaxweyne ku xigeenka Kenya, Wiliam Ruto ayaa aad u bogaadiyay dedaalka Mr Kipruto.

Haweenay orod jirdhis ah samanaysay oo lugaheeda ku doonatay xabsi

Ma ahan markii ugu horeesay oo orodyahan ay ka siibatay mid kamid ah kabaha uu ku guuleystay tartanka. Waxay aheyd sannadkii 2011-ka, markii orodyahan u dhashay dalak Itoobiya oo lagu magacaabo Dejen Gebremeskel uu isna ku guuleystay tartan kan oo kale isagoo hal kab oo keliya ku ordaya.

Usain Bolt oo ku guulaystay tartankiisa ugu dambeeyay ee gudaha dalkiisa

.Lahaanshaha sawirkaCONSESLUS KIPRUTO
Image captionConseslus Kipruto

Mowduucyada la xiriira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here