Laanqayrta Cas oo dhaqaatir u dirtay Qaza

0
22
Dhaqaatiirta Laanqayrta Cas ayaa qaliin ku samaynaya dadkii ku dhaawacmay rabshadihii QazaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionDhaqaatiirta Laanqayrta Cas ayaa qaliin ku samaynaya dadkii ku dhaawacmay rabshadihii Qaza

Ha’yadda Laanqayrta Cas waxay sheegtay in labo kooxood oo dhaqaatiir ah ay u dirtay marinka Qaza si ay u caawiyaan dadkii dhawaan ku dhaawacmay qalalaasihii ka dhacay halkaasi.

Dhaqaatirtan ayaa ah kuwo ku takhasusay qaliinka waxaana la doonaya inay wax ka qabtaan baahida dhanka caafimaadka ee ka jirta Qaza.

In ka badan 13,000 oo Falastiiniyiin ayaa ku dhaawacmay rabashadihii dhawaan ka dhacay xadka Falastiin iyo Israa’iil, sida ay sheegeen ha’ayadaha gargaarka.

Laanqayrta Cas waxay sidoo kale sheegtay in marinka Qaza u dirayso dhaqaatir kale oo dawooyinka qaabilsan iyo agab caafimaad sii loogu gargaara Falastiiniyiinta dhaawacmay.

Madaxa howlgalka ha’yadda ICRC ee bariga dhexe Robert Mardini wuxuu sheegay in dibadbaxyadii iyo rabshadihii Qaza ay gabaabsi dhanka adeegyada caafimaadka ay ku reebeen dadka deegaanka islamarkaasna xarumaha caafimaadka Qaza aysan qaabili karin dadka intaa la eg ee dhaawaca ah.

Wuxuu yiri ” Waxaan diiradda saaraynaa la tacaalidda xalaadda dadka qaba dhaawacyada xabadaha”

Mardini wuxuu intaasi ku daray in boqolaal qof ay u baahan yihiin dawayn kuwaaso ay dhaawaceen xabado nool halka qaarna kalena ay u baahan yihin qaliin.

Hay’adda Laanqayrta Cas ayaa 50 sariirood oo qaliinka oo lagu fuliyo ka samaysay isbitaalka Al-Shifa ee ku yaalla marinka Qaza halkaaso horraan la geeyay dhaqaatiirta .

In ka badan boqolaal Falastiiniyiin ah ayay gantaallada Israa’iil dileen kaddib markii ay dibadbaxyo ka dhigeen xadka oo ay ku doonayaan qaxootiga reer Falastiin inay dib ugu laabtaan dhulka la haysto.

Israa’iil waxay sheegtay inay xabado ku fureen weeraryahano ama kuwa xadka si sharci darro ah uga soo tallaabaya balse Qaramada Midoobay iyo ha’yadaha xuquuqul insaanka waxay ku eedeeyeen Israa’iil inay adeegsanayso awood xad dhaaf ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here