Soddon iyo saddex ruux ayaa ku dhintay qaybaha Koonfureed ee gobolka Quebec ee dalka Canada ka dib markii ay cimilo kulul ku dhufatay halkaas, sida ay smasuuliyiintu sheegeen.
Cimiladan kulul ayaa billaabatay Jimcihii, iyadoo kulaylku uu gaaray 35C (95F) huurkuna uu cirka isku shareeray.
Dhimashada ayaa maalin walba kordhaysay toddobaadkan, dadka u badan ee ay dhibaatadu gaartayna da’doodu waxay u dhaxaysaa 50 ilaa siddeetan.
Kulaylkan ayaa ah midkii ugu darnaa ee deegaankaas soo mara muddo tobannaan sano ah, sida ay masuuliyintu sheegeen.
Masuuiyiintu waxay ku baaqayaan in dadku ay biyo badan cabbaan, ayna har galaan.
“Waxaan samaynaynaa wax kaste oon awoodno” ayuu yiri Valerie Plante oo ah duqa magaalada Montreal.