Muqdisho(HWN):-Dawlada Ingiriiska ayaa ciidamada Amisom ee ku sugan soomaaliya ugu deeqday qalab ay kaga hawl galaan dhinaca nadiifinta magaalada Muqdisho amniga.
Qalabkan ay dawlada ingiriisku ugu deeqday ciidamada midawga Afrika ee ka hawl gala soomaaliya ee Amisom waxa lagu sheegay in qiimahoodu gaadhayo 5.6Million Pound, kaas oo loogu tala galay inay ciidamadu u adeegsadaan nadaafada.
Safiirka dawlada ingiriiska u qaabilsan soomaaliya David Concar oo ka hadlay qalabkan ay dawladiisu ugu deeqday ciidamada Amisom ayaa sheegay in dawladiisu ay ciidamada midawga Afrika kala shaqaynayso xasilinta soomaaliya.
“waxaanu ciidamada Amisom ku wareejinaynaa qalab qiimihiisu gaadhayo 5.6Million oo pound, waxaanan rajaynaynaa in
qalabkani uu ciidamada ka caawiyo inay nadiifiyaan wadooyinka muhiimka ah iyo inay kordhiyaan hawl galada xasilinta ee muqdisho, waxaanan rajaynaynaa inay la shaqeeyaan ciidamada soomaaliya ee ay awoodoodu sii kordhayso.” Ayuu yidhi danjire David Concar.
Sidoo kale danjire David Concar ayaa ciidamada nabad ilaalinta ee midawga Afrika ku bogaadiyey hawl galada nabadaynta ah ee ay ka wadaan soomaaliya waxaanu yidhi “Waxaan uga mahad celinayaa ciidamada Amisom waxyaabaha ay qabteen iyo wadamada ku deeqay ciidankan, waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa ciidamada ku sugan meelaha halista ah iyaga oo dedaal badan galinaya xasilinta iyo horu marka aan ka aragnay soomaaliya.”
Dhinaca kale taliyaha ciidamada Amisom sarreeye Guud Jim Beesigye Owoyesigire oo ka hadlay qalabkan ka soo gaadhay dawlada Ingiriiska ayaa sheegay in qalabkani wax badan ka tari doono hawl galada ay ku jiraan ciidamadu, isaga oo u mahad celiyey dawlada Ingiriiska.