Milateriga Turkiga oo gudaha u galay Suuriya

0
21
Aag 30 KM ah oo nabdoon ayuu Turkigu doonayaa inuu ka sameeyo gudaha SuuriyaLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionAag 30 KM ah oo nabdoon ayuu Turkigu doonayaa inuu ka sameeyo gudaha Suuriya

Ciidanka lugta ee Turkiga ayaa u gudbay waqooyiga Suuriya, ayagoo qayb ka ah ololaha Ankara ay kaga sifayanayso xuduudda dagaallamayaasha kuridiyiinta, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Turkiga.

Binali Yildrim wuxuu sheegay in ujeeddadu tahay in laga sameeyo 30 KM oo ah aag nabdoon gudaha Suuriya.

Turkiga oo duqeymo ka geystay woqooyiga Suuriya

Turkigu wuxuu Sabtidii ku bilaabay hawlgalladiisa ka dhanka ah miliishiyada Kurdiyiinta YPG ee gobolka Afrin weerarro xagga cirka ah.

Wuxuu khatar ugu jiraa in uu sii murjiyo xiisadda kala dhaxaysa Maraykanka oo ka taageera YPG dagaalka ay kula jiraan kooxda dawladda islaamiga.

Turkigu wuxuu sheegay inuu bartilmaameedsaday 153 goobood oo ay YPG joogtayLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionTurkigu wuxuu sheegay inuu bartilmaameedsaday 153 goobood oo ay YPG joogtay

YPG waxay beeniyeen in ciidan Turki ah ay joogaan ciidda Afrin, ayagoo sheegay inay “dib u waabiyeen” weerarro, ayna ku khasbeen inay dib u gurtaan.

Militariga Turkiga wuxuu sheegay in ilaa iminka ay bartilmaameedsadeen 153 goobood oo ay joogeen mintidiinta Kurdiyiinta, halka gantaalaha Kurdiyiintana ay habeennimadii ku dheceen magaalada Kilis ee ku taalla soohdinta.

YPG waxay qayb ka tahay is bahaysi uu Maraykanku taageero oo ay ku jiraan tiro dagaallamayaal ah oo ka socda miliishiayada carbeed ee SDF.

SDF waxay sheegtay inay is difaaci doonto haddii la soo weeraro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here