Xayawaanka madax kutiga ee badda ku nool oo aad u faraxsan ayaa sawir lala heley, wuxuuna ka mid noqday sawirrada sanadkan ku guuleystay abaalmarinta sawirrada majaajilada ee loo yaqaano Comedy Wildlife Photography Awards.
Sawirrada badankood ayaa waxa ay muujinayaan nooleyaal kala duwan oo samaynaya falal aysan dadka inta badan ku arkin iyaga oo samaynaya.
Shan ka mid ah sawirradaas oo kaliya ayaa abaalmarinta heley, balse waxaa jiray kuwa kale oo badan oo u qalmay in ay tartanka soo galaan.
- Waa kuwee xayawaanka adduunka ugu dhufashada kulul?
- Nin loo xukumay xuquuqda sawir daanyeer qaaday
- Yeyda oo la ogaaday in qaab codeyn ah ay ku go’aan qaataan
Waxaa sawirrada guuleystay ka mid ah guumeys inta laantii ay saarnayd ka fakatay, isku dayaysa in ay dib u korto.
Sawir qaade Tibor Kercz waxaa la siiyay koob gacanta uu ku sameeyeen dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo ku nool Tanzania, iyo qalab dheeraad ah oo kaamirada ka caawiya.
Waxaa kale oo abaalmarinta heley sawir qaade Andrea Zampatti oo dalka Kenya ku sawiray nooc ka mid ah dabangaalaha (uun reys) aad u qoslaya, sawirkaas oo sidoo kale aad ugu baahay baraha bulshada.
Inkasta oo badda ay aad u guda weyntahay, haddane sawirka oo laga qaaday badda dhexdeeda ayaa waxa uu ka mid noqday kuwii lagu heley abaalmarinta.
Wuxuu muujinayaa kalluun weyn iyo qubo is garab lalaya.
Hawada lafteeda kama marnayn sawirrada laga qaaday ee abaalmarinta heley, waxaana abaalmarin heley sawir qaade John Threlfal oo qaaday sawirkan muujinaya shimbirro hor buubaya diyaarad hawada ku jirta.
Waa kuwan sawirro kale oo soo galay tartanka balse aanan guuleysanin.