Labo nin oo eryaday ninkii dilka ka gaystay kaniisadda Maraykanka ku taala ayaa lagu bogaadiyay ficilkooda, waxaana lagu tilmaamay in ay halyeeyo yihiin.
Johnie Langerdorff ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in isaga iyo nin saaxiibkiis ah ay gaari ku baacsadeen ninka lagu tuhunsanyahay in uu dadka ku laayay kaniisadaada Texas ku taala.
“Ninka wax toogtay ayaa gaari ku cararay, kadib nin kale oo ayaa gaariga iigu soo galay, igana dalbay in aan baacsano” ayuu yiri Johnie.
Wuxuu intaas ku daray in baabuurka ay ku wadeen xawaare aad u sareeya, markii dambane ninkii ay ceersanayeen uu gaarigiisa rogmay.
Markii dambe booliiska ayaa heley meydka ninka la tuhunsanyahay oo lagu magacaabo Devin Patrick Kelley kaas oo ciidammada horay uga mid ahaan jiray. Waxaana korkiisa laga heley rasaas uu isaga isku dhuftay.
Booliiska waxa ay sheegeen in ninka toogashada gaystay reer xididkiis ay tagi jireen kaniisadaas, balse maalintaas aysan tagin meesha.
Sutherland Springs waa magaalo yar oo ay ku noolyihiin illaa 400 qof, waxaana ku yaala hal saldhig booliis iyo 2 kaniisadood oo kaliya.
Ugu yaraan 26 ruux ayaa ku dhimatay 20 kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii nin hubaysan uu rasaas ku furay kiniisadda oo ku taalla goobolka Texas, intii ay dadku ku guda jireen ciibaysiga Axadda.
Dadka dhintay da’doodu waxay u dhaxaysaa 5 sano ilaa 72 sano.
Kelly ayaa la sheegay in laga eryay ciidammada cirka ee Maraykanka sannadkii 2014kii ka dib markii maxkamadda ciidammadu ay ku heshay in uu tacadi u gaystay xaaskiisa iyo ilmo oo uu dhalay.
Ma cadda waxa ku qaaday weerarkan.