(saxilnews.com) Shiinaha Oo Xadidaya Ganacsiga Waqooyiga Kuuriya
-
Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionWaxaa sare u kacay qiimaha shidaalka ee Kuuriyada Waqooyi
Dowlada Shiinaha ayaa xadidaysa xiriirka ganacsiga shidaalka ee ay dowladda Waqooyiga Kuuriya la leedahay. Waxaa sidoo kale la joojinayaa iibka dharka ee dalkaasi Waqooyiga Kuuriya laga soo iibsado.
Shiinaha iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa leh xiriir ganacsi oo muhiim ah.
Joojinta iibinta dharka ayaa xukuumada Waqooyiga Kuuriya waxay ku noqonaysaa dhabarjab weyn .
Tillaabadani ayaa ka dambaysay cunaqabatayn horleh oo Qaramada Midoobay ay saartay dalkaasi Waqooyiga Kuuriya.
Shiinaha ayaa saaxiib soo jireen ah la ahaa Waqooyiga Kuuriya, balse tijaabooyinka hubka ee Pyongyang ayaa arrimahani sababay
War ka soo baxay wasaarada ganacsiga ee Shiinaha ayaa sheegaya in tilaabooyinkani ay hirgeli doonaa bisha Octobar kowdeeda.
Waqooyiga Kuuriya waxaa sidoo kale ay kala fogaanayaan wadanka Maraykanka oo weerar afka ah ay hadda isku hayaan.