“WAXAAN KU FARAXSANAHAY RUNTII INAY RUMOWDO HIMILADA WAX WADA LAHAANSHUHU OO QARANKEENU KA GUURO QABYAALAD OO QARANIMO U GUURO” HOGAAMIYE XIRSI
“>
Hargaysa:-(saxilnews) Hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in qabyaaladda la suuliyo isla markaana qaranimada kor loo qaado, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo khudbad ka jeediyey madal uu xisbga WADDANI shalay ku soo dhaweeyey siyaasiyiin miisaan leh ayaa khudbadiisa kaga hadlay dhibaatada qabyaaladda, waxaana ay khudbadiisu u dhignayd sidan:
“Waxan runtii si gaaara u soo dhaywnayaa Kooxda aan runtii galbinayno ee qoorwayntii Soomaliland kamuuqato ee dadka aadka u qiimaha badani ka muuqado ay hor kacayaan wasiiradii daakhiliga soomaray saaxiibkay Cabdilaahi Iismaaciil Ciro iyo Suldaan Jaanbiir Waxaan leeyahay dhamaantiin soo dhawada aad iyo aad baan idiin soo dhawaynaynaa waxaan idinku soo dhawaynaynaa Xisbi aan lakala lahayn ee loo soo kala horeeyey Xisbi ay saldhig u tahay wax wada lahaasho Qaranimo iyo Midnimo, waxaan idinku soo dhawynaynaa saaxiibadiin Somaliland aad ka soo wada shaqayseen marar kala duwan waxaan leenahay soo dhawada,
Waxaan ku faraxsanahay runtii inay rumowdo himilada wax wada lahaan’shuhu oo Qarankeenu ka guuro Qabyaalad oo Qaranimo u guuro. himilada noocaas ah inaan wax wada yeelan karno oo inaga oo kala qabiil duwan aan wax isku darsan karo oo muujin karno manta yaa mudan iyo manta ka mudan aynu sharaxno aynu doorano oo wax ku doorna Qaranimo aynu ku doorano Qofkii maalintaa inta taagan ugu mudan.macnuhu maaha in sadexda musharax Dalka ugu mudan yihiin macnuhu maaha in Cabdirahman ugu mudan yahay dadkoo dhan laakiinse maaanata ayuu nasiib u helay sadexda shareaxn buuna ugu mudan yahay taas ayaana ah ta qaranimad isku xejinaysa,sida uu Abgaal ka dhawaajiyaya ee uu yidhi Mujaahid nimadu goorma ayey inaga hadhaysaa iyo bal no fasira. markaa labad ashay ee aan rabo inaan ka hadlo ee ay mid ka hadleen. wasiiraddii hore ee daakhilaga ee qabyaalada waxaa jirta kalmad la yidhaahdo yacni had iyo jeeraali hadii shay sax ah la xumeeyo oo waji xun loo yeelo waji xun buu noqdaa waa halka laga yidhaahdo “kalamd xaqa hadii baadil looga jeedo way xumaataa” waxaan uga jeedaa hadii qabiilkii oo ilaahay sameeyey oo yidhi “waxaan idinka yeelany shucuub iyo qabaail” oo ilaahay sugay oo aany ceeb ahayn laakiin maxaa la raaciyay “kuwa idiinku sharafata baddan ilaahay agtiisa waa kuwa idiinku cabsida badan” markaa waxaa laynoo muujiyay inaan qabyaalada waxba lagu kala fadilayn hadaba qabiilka noocaas ah ee Ilaahay subxaanahu wa tacaalaa sheegay ee sugay ee Quraanka ku sugan ee hadana ku sugan maqaasidul shareeca nuxurka iyo dhuuxa shareecada maxay diintu usoo deg tay baa la dhahaa diintu waxay ilaalisaa shan markaa shanta diintu ilaaliso Nasabku waa ka mid Caqliga.Nafta bini’aadamka.Maalkiisa.Nasabkiisa iyo cirdigiisa iyo Diinta lafteda ayey diintu uso degtay inay ilaaliso markaa nasabku waa wixii diintu ilaallinaysey ka noocaas ah goorma ayuu waji xumaadaa? wuxuu waji xumaadaa marka Qabyaalad loo bedelo ee six un loo adeegsado ee lagu shaqaysto ee ninka aan kartidiisa ku meel mari karayni yidhaahdo tolaay yaa reer hebelaay uu yidhaahdo ayaa qabiilku xumaadaa oo qabiilku qabyaalad isu bedelaa,
uf qabiilka anaa leh.wuxuunbaa ehel ii ah
ninka aan af aqaano
ee na midayso ujeedo ee si wax iila arkaaya ”
“Alle ha u naxariistee Abwaan Gaariye”
waxaan runtii amaanayaa tiimka reer Harysaga u badan ee wasiirada aan carabka ku dhuftay kasoo jeedaan iyo raga qimaha leh ee aan kala dhicin haday tahay Xasan alas oo aah runtii dadkii uso halgamay dalka ee qalinka ugu so halgamay ee shan iyo labaatankaa sanadood u shaqaynaayey in haaydaha qaranku meel mar noqdaan aniga oo aan xusida ka reebayn dhamanatood,
waxaan si gaara u xusayaa deeganka ay kasoo jeedaan wasiirada halkan hogaaminayaa waxaan u xusayaa dayrkii dheeraa ee aan lahaa war ka daaya war jeegaantu ina wadi maysee aan giraan ka dhigno ayey iyaga oo reerki sharaxnaaya kasoo boodeen oo ay muujiyeen in Qaranimadu inay ka qiimo badan tahay Qabyaalada aad iyo aad baan idiinku hanbalyaynayaa