QARAX KA DHACAY GOBOLKA OROMADA ITOOBIYA OO MUDAHARAADO KA SOCDAAN

0
19

 

QARAX KA DHACAY GOBOLKA OROMADA ITOOBIYA OO MUDAHARAADO KA SOCDAAN

 “>

Itoobiya:-(saxilnews) Warbaahinta Dalka Itoobiya ayaa sheegtay in 13 qof ay ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday garnayl oo ka dhacay magaalada Jimma ee gobolka Oromia, laakiin weli ma cadda cidda weerarka qaadday.


5 Maalmood oo Mudaaharaad ah ayaa gobolka lagaga dhawaaqay, kaasoo lagaga soo hor jeedo canshuurta lagu kordhiyey ganacsiyada yaryar, iyo xidh-xidhidda siyaasiyiinta mucaaradka.
Qarax
Meelaha qaarkood wuu ka hirgalay mudaaaharaadka, iyadoo dukaamada la xidhay, gaadiidkana uu joogsaday.
Qaar ka mid ah gaadiidka dadweynaha ayaa la sheegay in waxyeello loo gaystay.
Mudaharaadyo lagu dhintay oo ka dhacay gobollada Oromia iyo Amhara ayaa horseeday in la soo rogo sannadkii hore xaalad degdeg ah. Horraantii bishan ayaa la qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here