WASIIR SACAD CALI SHIRE OO SI DADBAN U WEERARAY MAXAMED CABDILLAAHI CUMAR OO XIL U DOONTAY MUQDISHO
“>
Hargaysa:-(saxilnews) Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa weerar ku qaaday siyaasiyiinta reer Somaliland ee Xamar u shaqo tago marka uu xilku ka dhamaado waxaanu uu wasiirku sheegay inay foolxumo tahay inuu muwaadinku dalkiisa iyo sharaftiisa iibsado isla markaana xil uu ku bedesho.
Wasiirka oo la hadlaya siyaasiyiinta Somaliland ee taga Muqdisho marka xilalka laga qaado wuxuu yidhi:
“Runtii waan ka xumahay waanan uga digayaa dadka reer Somaliland ee halkan masuuliyiinta ka ahaan jiray amaba aan xilal ka hayn jirin ee dalkoodii iyo sharaftoodii iyo qaranimadoodii mansab ama maal siistay aad baan uga xumahay waana arrin aan jecelahay in looga diog hadday dhallinyaro tahay iyo hadday siyaasiyiin tahay.”
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa dhawaan la sheegay inuu ku sugan yahay magaalada Muqdisho isla markaana uu xil ka quudaraynayo xukuumadda Farmaajo, waxaana uu hadalka Sacad Cali Shire u muuqdaa mid ku socda wasiirkii wasaaradan uga horeeyey Maxamed Cabdillaahi Cumar.