Hormo Labaad Oo Siyaasiyiin Miisaan Culusi Kujiraan Oo Ka Soo Jeedaa Deegaanka Hargeysa Oo Dhawaan Ku Biiraya Xisbiga WADDANI, Iyo Magacyada Qaar Ka Mid Ah Raggaasi

0
19

Hargeysa:-(Saxilnews.com) Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa sheegaya in maalmaha soo socda uu Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Munaasibad Hargeysa ugu qabanayo Siyaasiyiin miisaan Culus oo reer Hargeysa ah oo muddo badan ku soo jiray Siyaasada kuwaasi oo badhkood ka soo diga rogteen Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE.

Sida ay tibaaxayaan warar xaqiiqo ah oo ka agdhaw Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,Waxa ay masuuliyiintani iskugu jiraan Siyaasiyiin Ruug cadaaya oo mudo dheer soo dirawalinayay Siyaasada Somaliland,qaarkoodna xilal buuran ka soo qabteen Xukuumadihii soo maray Dalkan Somaliland,Waxa ay sidoo kale siyaasiyiintani hore uga tirsanaayeen Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye iyagoo qaarkood xilal Culus ka soo qabtay Xisbiga Kulmiye wakhtigii uu Gudoomiyaha iyo Musharaxa ka ahaa Madaxweynaha hadda talada dalka haya Mudane Axmed Siilaanyo,waxaanay hadda go’aansadeen inay siyasadood ula guuraan dhinaca Xisbiga Mucaaridka WADDANI oo maalmihii u dambeeyay ku mashquulsanaa diyaarinta Munaasibad la sheegay inay ka xajmi buuran tahay tii hore ee ay dhawaan u sameeyeen Masuuliyiintii iyaguna ka soo diga rogtay Xisbiga Kulmiye.
Illaa Xalay magacyada siyaasiyiinta suuqa siyaasada soo galay ee la sheegay inay kujiraan Masuuliyiinta ku biiraya Xisbiga WADDANI ee Miisaanka Culus ayaa sida la sheegay waxa hogaaminaya Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Dawladii UDUB Cabdilaahi Cirro oo isagu hore ushaaciyay inuu ku biirayo Xisbiga WADDANI,Waxaanay warar aanu ka helnay ee ka agdhaw Xisbiga WADDANI noo xaqiijiyeen inay masuuliyiintaasi ay mid yihiin oo ay kujiraan islamarkaana ay ka mid yihiin Siyaasi Axmed Jaambiir Suldaan oo hore xilka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland u soo qabtay,iyo Sidoo kale Masuuliyiin kale oo ku abtirsada ama ka tirsan Jufada hoose ee uu ka soo jeedo Musharaxa ama Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi,kuwaasi oo sida la sheegay ay bisishahay arintoodu lana sugayo oo qudha Munaasibadii loo dhigayay oo laga sugayo inay mudeeyaan islamarkaana ay soo nashqadeeyeen Madaxda Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa bilihii u dambeeyay dadaalo siyaasadeed ugu jira sidii uu u hanan lahaa,islamarkaana uu taageero buuran uga heli lahaa Beelaha Ugu tirada badan Deegaanka Gobolka Maroodi Jeex ee Hargeysa ee uu ka soo jeedo Musharaxa Xisbiga Kulmiye,waxaanay kulamo iyo xod xodasho xoogan kuhayaan Cid kasta oo deegaankaasi ka soo jeeda oo xisbigu danaynayo,iyadoo dhawaan uun ahayd markii uu Xisbigu Munaasibad Hargeysa ugu qabtay Siyaasiyiin miisan Culus oo kasoo jeeda Deegaankaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here