Akhriso Qormo Xiisa Badan Oo Daah Ka Qaadaysa Daah Ka Qaadaysa Ismaan Dhaafka Dadka Reer Baadihaya Iyo Kuwa Reer Magaalka Ah,

0
24

Akhriso Qorma Xiisa Badan Oo Daah Ka Qaadaysa Daah Ka Qaadaysa Ismaan Dhaafka Dadka Reer Baadihaya Iyo Kuwa Reer Magaalka Ah,

Sida Caadada Ah Dadka Reer Guuraga Ah Wakhti Ka Mid Ah Wakhtiyada Waxay U Soo Safraan Amaba Dano Kale U Soo Yeeshaan Magaalooyinka Waa Wayn Sida Burco ,Hargeysa,Berbera Iyo Kuwa La Mid Ah ,

Niman Reer Miyi Ah Oo Ka Yimi Deegaan Ka Mid Deegaanada Ku Hareeraysan Gobolka Togdheer Ayaa Waxay Yimaadeen Magaalada Burco Oo Xarun U Ah Gobolka Togdheer Si Ay Uga Soo Muraadsadaan ,

Markii Ay Maalmo Ku Sugnaayeen Magaalada Ay Waxay Maqleen Ninkii Ina Hebel Ee Hebel Ee Geelu Isugu Kiin Jiray Ayaa Maqaaxi Shaah Ku Haysta Suuqa Magaalada,Dabadeedna Waxay Go,aan Ku Gaadheen Inay Ka Soo Shaahaan Oo Kolba hadii Ay Meel Kale Wax Ka Iibsanayaan Ay Wax Ka Iibsadaan Meherada Ay Garanaayaan Ee Uu Haysto Ninkaa Ay Isku Deegaanka Yihiin Geeluna Isugu Jiro ,

Ku Darso Nimankan Odayaasha Ah Deegaanka Ay Ka Yimaadeen Ee Miyiga Kobka Qaxwaha Ama Shaaha Ah Waxa Lagu Gadaa Qiimo Aad U Jaban Oo U Dhiganta 500 Boqol Oo Shilinka Somaliland Ah ,
Goor Galab Ah Oo Uu Taagan Yahay Wakhtigii Casariyuhu Ayaa Waxay Nimaankii Reer Baadiyaha Ahaa Yimaadeen Meheradii Uu Haystay Ninkii Ay Isku Deegaanka Ahaayeen,
Markii Ay Soo Fadhiisteen Gudihii Maqaaxida Ayaa Waxa Ay Cabaar Indhaha La Raac Raaceen Qalabkii Iyo Agabka Meherada Yaala Oo Aad Loo Quruxiyey Kana Duwan Kii Ay Uga Barteen Ee Ooli Jiray Maqaaxiyihii Ay Ka Shaahayn Jireen,

Markii Ay Halkaas Arrintu Maaraysay Oo Ay Is Yar Kuusayaan Nimaankii Odayaasha Ahaa Ayaa Waxa Ay U Yeedheen Inaankii Waytarka Ahaa Ee Dadka Shaah U Dhigayey Waxaanay Ka Dalbadeen Shaah ,
Inaankii Waxa Uu Su’aalay Noocma Ayaan Idin Siiyaa Inta Uu Tiriyey Magacyada Shaahyo Badan Oo Kala Nooc Ah ,
Nimankii Odayaasha Ahaa Oo La Yaaban Magacyada Faraha Badan Ee Ninku Tiriyey Ayaa Ugu Jawaabay Waxa Aad Tirinaysayd Garanmayno Ee Waxaanu U Baahanahay Shaah Caadi Ah,

Inaankii Waytarka Ahaa Uu Fahmay Inay Nimanku Ku Cusubyihiin Magaalada Oo Ay Ka Yimaadeen Baadiye, Dabadeedna Inta Uu Ka Dhaqaaqay Ayuu U Keenay Shaah Somaali,
Markii Ay Shaaheen Nimankii Odayaasha Ahaa Ayaa waxa Ay Damceen Inay Bixiyaan Lacagtii Shaaha Sida Caadada Ahayd, Waxayna U Yeedheen Inaankii Shaah U keenay Waxaanay Waydiiyeen Waa Misa Shaahu,Inaankiina Waxa Uu Ugu Jawaabay Waa 0.5 Dollar, Mid Ka Mid Nimankii Reer Miyiga Ahaa Ayaa Inta Uu Kor U Qayliyey Yidhi Adeer Maxaad Tidhi Bal Ku Celi Wxaad Tidhi, Inaankii Ayaa Mar Labaad Ugu Celiyey Oo Ku Yidhi Lacagta Shaaha Koobkiiba Waa 0.5 Dollar.

Nimankii Oo Yaaban Hareerahana Fiir fiiranaya Ayaa Inaankii Ku Yidhi Adeero Maqaaxidu Sow Maha Tii Ninkii Ina Hebel Ee Hebel Inaankii Ayaa Ugu Jawaabay Haa Adeero Waa Meheradii Hebel ,

Marka Ay Halkaa Maraysay Ayaa Ninkii Uga Da’ada Wayna Nimanka Reer Baadiyaha Ahaa Biyo Dhacay Oo Hadalkiisa Ku Bilaabay Waa Duni Waalatay Inaguna Waxaanu Is Lahayn Ninkaa Ina Hebel Ee Geelashiinu Wada Galaan Shaaha Ka Soo Iibsada Oo Shanta Boqol Ee Aad Cid Kale Shaaha Kaga Cabaysaan Isaga Ayaanu Ula Soo Eexanaday Isna Waxa Uu Diiday Inuu Lacagtii Somaliland Wax Nagaga Iibiyo Arrintani Waa Kaaf Iyo Kala Dheer Ee Dadkan Yaa Na Isu Kaaya Afgarata,

Sheekadani Waxay Ka Turmaysaa Is Fahan La’aan Had Iyo Jeer Ka Dhex Dhalatada Dadka Reer Baadiyaha Ah Iyo Kuwa Magaalooyinka ,
W/Q/ Suxufi Siciid Saleebaan Nuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here