Sacad Cali Shire oo wareysi siiyey Majalada African Arguments waxaa uu dunida ku canaantey in ay ceeb ku tahay in ay aqoonsan waayan Somaliland .
“26 Sanadood ayaa ka soo wareegtay markii aanu go,aansaney in aanu ka baxno midowgii wali lama aqoonsan lakiin Somaliland wax badan ayaa iska bedelay oo wey ka duwan tahay Somaliland tii 1991 ” ayuu yidhi
Wasiirka ayaa waxaa uu ka hadley dagaal dhex mari kara Somaliland iyo Somaliya ayaa waxaa uu yidhi
” Waxaan filayaa in uu yahay jidka Kaliya ee noo furan , waxaa ay ku andacoonayaan in ay Somaliland ka mid tahay Somaliya , hadii ay doonayaan in ay dhaqan galiyaan waxa ay ugu yeedhaan xaqa ay u leeyihiin in Somaliland laga maamulo Moqdisho markaas waanu la dagaalamaynaa , waana in aad dagaal gashaa , waxaana aanu faro gali doonaa arimahooda gudaha hadii ay arimaha gudaha Somaliland faro galiyaan ” ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire .