UK (Saxilnews):- Dowlada Britain ayaa sheegtay in ciidamada milateriga ay ka qeyb qaadandoonaan ilaalinta goobaha muhiimka ah ee dalkaasi kaddib weerarkii Manchester.
Arrintani oo ah mid dhif iyo naadir ayaa waxaa ku dhawaaqday ra’iisul wasaarah dalka ingiriiska Theresa May oo sidoo kale sheegtay in sare loo qaaday heerka feejignaanta ee Britain kaddib markii qiimeyn rasmi ah lagu sameeyay khatarta dalka ka soo wajaheyso argagixisada, taasi oo ka dhigan in weeraro horleh ay dalka ka dhici karaan.