Waxaana arintaasi ka soo baxaya warar kala duwan waxaana wararka qaar ay sheegayaan in lugaha ay u bixi weyday.
Tiraba ilaa saddex jeer oo ay ku dul wareegatay garoonka diyaradu waxaana u suurto gelin inay lugaha la baxdo, si ay u caga dhigato Run-wayga ay diyaaradaha ka soo degaan.
Laakiin Mas’uuliyiin ka tirsan Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa ku andacooday sababaha ay maanta u degi waayeen hawada oo xumeyd.
Diyaarada Turkish Airlines ayaa la sheegay inay ka degatay magaalada Jabuuti, halkaasoo ay dhigtay rakaabkii ay u soo waday Muqdisho.
Hase ahaatee waxaa xaalad dib u dhac iyo jactad ku yimid rakaabkii ay ka qaadi laheyd garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo sidii ay saakay garoonka u soo galeen, illaa duhurkii maanta ku sugan.