Hargysa(Saxilnews):- Laba wasiir oo ka tirsan xukumadda madaxwayne siilaayo ayaa waxaa soo kala dhex galay khilaaf hoose oo aan wali si xoogan u soo gaadhin saxaafadda Somaliland.
Labadan wasiir ayaa kala ah wasiirka wasaaradda beeraha iyo wasiiru-dowlaha wasaaraddaasi oo bilihii ugu dambeeyay aanay ka dhaxayn wadda shaqayn fiicani.
Warar hoose ayaa Hangoolnews u xaqiijiyay in wasiirka beeraha somaliland oo ka soo jeeda beelaha dhexe uu maroorsaday awoodii wasaaradda meeshana ka saaray wadda shaqayntii labada wasiir.
Wasiiru-dowlaha wasaaradda beeraha ayaa ka soo jeeda goboladda bariga Somaliland,
Wasiiru-dowlahan ayaa aan iman wasaaradda inta badan wasiirudowlaha beeraha C/waaxid C/qaadir C/raxmaan ayaa ka mid ahaa wasiiraddii la Casilay Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X Cali.
Ma jirto wax war ah oo ay ka soo saaray ama go,aan ah madaxtooyadda dalku.
Xigasho:-Hangoolnews.com