London (Saxilnews):- Kuuriyada Waqooyi ayaa Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ku eedaysayin dad u shaqeeya ay maleegayaan shirqool ay ku dilaan hogaamiyahooda Kim Jong-un.
Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in lacag la siiyay qof ay “Kim” bas ah ku sheegeen si uu u gaysto weerar kiimiko loo adeegsaday, sida ay sheegtay wasaaradda amniga gudaha.
Waxay sheegtay in shirqoolkaas la fashiliyay Waqooyiguna uu baadhritaan samayn doono oo si aan naxariis lahayn u burburin doono dadka ay soo dirsadeen Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.
Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi wali kama aysan hadlin eedaymahaas.
Sheegashadan Waqooyigu waxay ku soo aadaysaa iyadoo ay sare u sii kacayso xiisadda ka taagan gacanka Kuuriya.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ballan qaaday in uu xallin doono arrinta Kuuriyada Waqoyi uuna joojin doono in ay kobciso nukliyeerkeeda.