Deeganaadan ayaa waxaa ka mid ah magaalada Cerigaabo , Buurta Daallo , deegano hoos yimaada Magaalada Ceerigaabo , Magaalada Ceel Afweyn iyo deegano hoos yimaada
Roobabkan ayaa waxaa ay ka yimadeen ama ay ka horeen dhinaca bari ee magaalada Ceerigaabo , xalay ilaa shalay galab waxaa uu roobkaasi ka da,ay magaalada Ceerigaabo iyo Buurta Daallo
Roobkan oo aan kala go,in ayaa saaka waxaa uu ku sii fidey dhinaca galbeed ilaa uu gaadhey magaalada Ceel Afweyn oo ka mid ah goobihii ay ku dhufatey abaartii ugu xumeed .
Sidoo kale Roobka ayaa hada waxaa uu ka da,aaya Magaalada Ceerigaabo iyo afarteeda Jahaba , isla markaana cirka ayaa ah mid daruuro leh
Si Kastaba ha ahaatee deeganadan ay ilaa shalay ka da,ayeen roobabka lagu diirsadey ayaa waxaa ka jirtey abaartii ugu xumeed isla markaana dadka deeganadaasi ayaa wali u baahan caawimo maadama oo xoolihii ay haysteen ay abaarta ka laysay