Taliyaha Ciidamada Mareykanka Oo Ka Hadley Ciidan Dalkiisu Keenay Somaliya + Wakhtiga Ciidamada Amisom Ka Bixi Doonan Somaliya Oo Lagu Dhawaaqey

0
17

Moqdisho (Saxilnews):- Dalka Mareykanka iyo Midowga Africa ayaa isku waafaqay inuu soodhawaaday waqtigii Soomaaliya ay la wareegi laheyd mas,uuliyaddeeda dhinaca amaanka.

Image may contain: 1 person, closeup

Taliyaha ciidanka Mareykanka ee jooga magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka General Thomas Waldhauser, iyo taliyaha ciidanka Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo AFRICOM, ayaa si wada jir ah u sheegay in ku dhawaaqistii Mareykanka uu dhawaan ku dhawaaqay inuu Soomaaliya u dirayo ilaa iyo 40 askari aysan micnaheedu aheyn isbadal dhinaca istaraatiijiyada ah.

 

Waxaysa sheegeen in Mareykanka uu ciyaari doono door caawineed oo ah in ay ka taageeri doonaan ciidanka Soomaaliya dhinacyada tababarka.

Genereal Thomas Waldhauser ayaa sheegay in hadafkooda tababarida ciidanka Soomaaliya uu yahay in la helo ciidan Soomaaliyeed oo diyaar u ah inay la wareegaan aminga marka la gaaro sanadka 2020-ama 2021-ga markaas oo la filayo in dalka ay ka dhacaan doorashooyinka madaxtinimada.

Dhinaca kale. Ambassador Francisco Madeira,oo ah madaxa qeybta rayidka ee howlgalka AMISOM, ayaa sheegay in ay bilaabayaan in ciidamadooda ay kala baxaan Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2018.

Soomaaliya iyo dalalka ay saaxibadda yihiin ayaa hadda ka shaqeynaya sidi ay u tababari lahaayeen ciidamo gaadhaya 28,000 oo askari oo loo diyaarinayo inay la wareegaan amniga dalka.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku tiirsan ciidamo ka socda Midowga Africa oo gaadhaya 22 kun oo askari. Ciidankaas ayaa ilaaliya madaxda dowlada iyo ilaha ugu muhiimsan dhaqaalaha dalka sida qaar ka mid ah dekdaha iyo garoomada diyaaradaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here