Waxaana lagu yidhi war Saxaafadeedkaas sidan :
“Waxaan u hambalyeynayna Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan guushii uu ka gaadhay Aftidaasi , taasoo u horseedeysa inuu ku hogaamiyo dalkaasi karti iyo horumar,waxaana ku kalsoonahay in tallaabadii ay qaadeen dadka Turkiga ay horseedeyso hoggaamin wanaagsan” ayaa lagu yidhi war ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale qoraalkaan ayaa lagu sheega Dowladda Turkiga in ay tahay saaxiib qiimo leh oo ka mid ah taageerayaasha caawiya Soomaaliya, taasoo aan u aragno inay xoojineyso xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya labada dowladood.
Ugu dambeyn xukuumadda iyo shacabka dalka Soomaaliya waxay u rajeeyneysaa shacabka Turkiga oo doortay wadada cusub ee dowladnimada, horumar iyo barwaaqo.