Labadan masuul ee xidhan ayaa kala ah gudoomiyihii garabka dhalinyarada xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Cabdilaahi “Dhamme” iyo xoghayaha Ciyaaraha xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis kuwaas oo ay shalay ciidamada boolisku xabsiga u taxaabeen.
Waxaana masuuliyiintan maanta isku dayey inay saldhiga ku booqdaan Maxamed Dhamme iyo Yoonis hogaaminayey xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo ay hareero socdaan saraakiil ka tirsan xisbiga.
Waxaana markii ay gaadheen saldhiga ay ciidankii ilaalada Saldhigu ku wargeliyeen inaanay booqan Karin isla markaana uu amarkan yahay mid kaga yimi xagga sare oo aanay carabaabin,waxaana masuuliyiintan sidaasi looga hor istaagay inay booqdan labadan Masuul ee maalinkii Labaad ku xidhan magaalada Hargeysa kuwaas oo aanay ilaa hadda ka hadal Taliska Boolisku sababaha ay u xidheen.