Hargeysa(Saxilnews)-Waxay ahayd saaka abbaaro 6-dii subaxnimo markii Maayarka caasimada Hargeysa oo wata ciidan tiro badan ay cagaf galiyeen guryo iyo goobo ganacsi oo ka ag dhaw hudheelka ay dhisanayso marwada madaxwaynaha Somaliland Marwo Aamina Waris,
Geesta kale goobahan ganacsi saaka la galiyey cagaf-cagafta ayaa laga reebay gaydhka Hudheelka marwada madaxwaynaha oo isaga laftiisu wadada in kaga jira,waxaana xusid mudan in hudheelka Marwadu uu lasinnaa guryaha la dun-dumiyo qaarkood oo uu wadada qayb kula jiro,waxaana taasi abuurtay in dadkii goobahaasi joogey ay is weydiiyaan sababta uu u dumin waayey gaydhka hudheelka marwada oo ay sheegeen in uu wadada ku jiro.
Geesta kale Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa xabsiga dhaxe ee magaalada Hargeysa u taxaabay mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,kuwaasi oo kala ahaa Guddoomayaha garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbigaasi Mr.Dhamme iyo Xoghayaha Ciyaaraha Yoonis Axmed Yoonis oo ku sugnaa xarunta gobalka ee xisbiga WADDANI uu ku leeyahay magaalada Hargeysa.
Xadhiga labadan sarkaal ayaa ka dambeeyey ka dib markii ay ka hadleen isla mar ahaantaana ay si adag u cambaareeyeen dhismeyaal ka soo horjeeday guri ay dhisatay Marwada Madaxweynaha Somaliland oo ay u adeegsatay cagafyo isla mar ahaantaana iyada oo adeegsanaysa awood dawladdeed ay burburisay deyrarkii guryahaasi si ay hoteelkaas ugu hesho Baarkin.
Waxaana labadan mas’uul loo taxaabey xabsiga magaalada Hargeysa.