Wasiir Ka Tirsan Xukumada Siilaanyo Oo Diidey In Uu Qaabilo Dadwaynaha Hawlaha Shaqo Uga Baahan Wasaaraddiisa+Magaca Masuulka Iyo Xilka Uu Hayo

0
21

Hargeysa(Saxilnews):-Mid ka mid ah golaha wasiiradda xukumada madaxwayne Siilaanyo ayaa gabi ahaanba wasaaraddiisa ka mamnuucey booqashad iyo qaabilaada dadwaynaha ee hawlaha shaqo uga baahan wasaaraddiisa.

Wasiirka oo ah wasiirka qorshaynta Qaranka Somaliland Maxamed Aadan Qabo ayaa hore waxa uu u soo saarey warqad wareegto ah oo uu ku sheegey in maalin walba oo isniin ah uu qaabilaayo dadwaynaha maadaama wasaaraddiisa qorshaynta ay shacabka somaliland hawlo badan kaga xidhan yihiin,balse laba todobaad ka dib waxa uu ka soo daba saarey warqad uu ku mamnuucayo qaabilaada dadwaynaha hawl maalmeedku kaga xidhan yahay Wasaaradda.

Wasiir Qabo ayaa dhaqanka cusub ee uu la yimi Wasaaradda waxa ay caqabad ku noqotey guud ahaan dadkii hawlaha shaqo ay kaga xidhnaayeen Wasaaradda qorshaynta qaranka somaliland,iyada oo ay xusid mudan tahay in masuuliyiintii ka horeeyey ay u furnaayeen dhamaanba albaabada dadwaynuhu.

Xigasho:-Hangoolnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here