Waa xilli adag. Waa abaar dadqalato ah iyo sebaan la adhax jabay.
Abaaro baahay, daba-dheeraaday, jiitamay, oo hawaarsaday. Cirku wuu engagan yahay, dhulkuna waa arradan yahay. Xoola-dhaqatadii gabbal baas ayaa u dumay. Duunyadii si xawli ah ayay u le’anaysaa; tarab-tarab ayay u le’anaysaa. Xoolo macne leh oo maanta deegaannadaa lagu sheegi karaa ma jiraan. Meelo badan oo ka mid ah mandaqadda geeska ayay aafada abaartu isku fidisay. Gobollada bari ee Somaliland ayay si gaar ah u taabatay. Runtii aad baa looga dayrinayaa xaalka deegaannadaas, si ay noqon doonta na mooyi.
Dadku oon buu bestii yahay. Gaajo iyo harraad ayaa isugu darsamay. Hayaan boqollaal kiiloo-mitir ah ayay u galayaan deegaanta, baadka iyo naqu ku sii dambeeyay. Waxay la daaladhacayaan saxariir daran iyo xaalad bini’aadmi arko kuwii ugu darnaa. Sida waayo’aragga laga soo xigtay, in muddo ah waa abaartii u darnayd ee carriga soo marta. Meelaha qaarkood waxa la sheegayaa in xaalado caafimaad-darro u dheer yihiin oo xanuunnada faafaa durba ka dillaaceen. Haddii cudurrada caynkaa ahi sii socdaan xaalku waa talo faro ka haaddaay mooyi!
GURMADKA ABAARAHA:
Hawsha gurmadka abaaraha xooggeeda waxa gacanta ku haysa Guddida abaaraha heer qaran oo madaxweynuhu digreeto ku magacaabay kal hore. Guddidu ma laha nidaam banyaal ah oo suurtogal ka dhigi kara isla-xisaabtan iyo daahfurnaan kalsooni abuuri kara. Sidoo kale, ma aha guddi sharci ah oo xeer ku dhisan, waa se xubno xukuumadda, culimada iyo ganacsatada isugu jira, kuwaas oo aan badidoodu u gacan bannaanayn hawsha loo igmaday. Waxa intaa raacda in aanay ahayn hay’ad u qaabaysan la-tacaalidda musiibooyin baahsan oo aan ka fursan karin qorshayaal tifaftiran oo muddada dhow iyo ta fogba leh. Waxa loo abuuray maaraynta xaalad ku meelgaadh ah ‘emergency response’.
Gurmadku ma nidaamsana, ma qorshaysna, si qummanna uma aloosna. Hannaan habqan iyo habaqle u badan ayaa loo wadaa. Ma jirto barkulan xuddun u ah gurmadka abaaraha. Biyaha, raashinka iyo gurmadyada kale ee la gaadhsiinayo dadka abaaraysani waa kuwo aan badiba helin maamul habboon. Marar badan qaybta laguma saleeyo baahida jirta iyo sida loo kala liito. Meelaha qaarkood abaaruhu halakeeyeen ayaan ilaa hadda la gaadhsiinnin wax gurmad ah, halka meelaha qaarkoodna tobannaan jeer gurmadku gaadhay. Guud ahaan, ma jiro hannaan iyo jaangooyo hufan oo nolosha dadka lagu samata bixinayaa. Xukuumaddu ma hayso wax qorshe ah oo lagu maaraynayo abaartan, lagagana hor tagayo abaaraha soo noqnoqday, marka laga tago faan madhan iyo waa qaddar Alle.
Jiritaanka qorshayn la’aan qaran waxa caddayn u ah sida ay u kala daadsan yihiin awoodihii dawladnimo ee maaraynta abaaraha xidhiidhka la lahaa. Tusaale ahaan, waxa jira Xafiiska Diiwaanka Sekeda, Xafiiska Samafalka Madaxtooyada, iyo Xafiiska Xidhiidhinta Muwaacinooyinka WFP oo intuba ah hay’ado dawli ah – oo ay ku ururaan mucaawinooyin gudaha iyo dibadda dalka ka kala yimid – kuwaas oo haddii cududdooda la mideeyo gurmadka abaaraha si fiican uga soo dhalaali kari lahaa. Waxa sidoo kale jirta hay’adda Cilmi-baadhista Badbaadinta Deegaanka iyo U-diyaargarawga Aafooyinka “NERAD” oo ah hay’ad haddii la tayeeyo ugu yaraan soo saari kari lahayd cilmi-baadhis sugan iyo qorshayn taabbagal ah oo abaaraha lagaga bogsado. Waxa iyaguna jira Wasaaradaha: Deegaanka iyo Horumarinta reer miyiga, Beeraha, Xannaanada Xoolaha, Biyaha, Caafimaadka, i.q.k. oo aan midina mid ku xidhnayn, isla markaana la’ hoggaamin jihaysa oo xuddun u noqota. Doorarkii hay’adahaa qubanaha ahi wadar ahaan iyo mid-mid ahaan toonna uma muuqato.
XAALADDII UGU XUMAYD:
Maanta ayay abaartu ugu daran tahay. Wuxu xaalku marayaa in dadku xanuunno iyo dacdarro u dhintaan. Meelo badan oo ka mid ah dalka waxa ka dillaacay jadeeco iyo shuban-biyood. Iminka abaar ma aha, ee waa macaluul baahsan. Laakiin dawlad iyo dadweyne cid hadalhaysa lama hayo.
Waxaynnu ognahay in doorashooyinkii dalka ka qabsoomi lahaa loo baajiyay abaaraha dalka ka jira awgood. Waxaynnu filaynnay in baajinta kaddib dalka oo dhan gurmadku is gaadho. Waxa kale oo aynnu filaynnay in dawlad, dadweyne iyo xisbiyaba guntiga dhiisha la isaga dhigo oo arrintaa loo gacan bannaanaado. Ayaandarrada jirtaa waxay tahay maalintii doorashada la laalay ee muddo-kordhinta lixda bilood ah la isla qaatay ayaa ugu dambaysay hadalhaynta abaaraha. In la gurmado iska dhaafe, waxa dammiirxumo ah in dhibaatadii mujtamaca haysatay looga faa’iidaysto dano siyaasi ah oo iyaga laftoodu dhaawac ku ah geeddiga qarannimo ee dalka.
Wixii maalintaa ka dambaysay waxa dalku galay xaalad cusub oo xaraash ah. Warka ugu weyn ee dalka lagu hayaa waa saldhigga Berbera iyo sheekooyin la halmaala. Mararka qaarkoodna waxyaabo aan sii ridnayn ayay hadalhaynta dadweynuhu u badan tahay, sida sheekada la baxday Asma Coday. Xaalku waa shidanaaba shidan. Mucaaradkii u dhololayay kordhinta iyo dawladdii dabada ka riixaysay midna juuq dambe lagama hayo. Xataa guddidii abaaraha ayaan war dambe laga maqal. Dee malaha aniga ayay warla’aani i haysaa ee dalka roobkii waa ka da’ay!
Carabtu waxay ku maahmaahdaa “Musiibada qowm ku habsataa waxay faa’iido u tahay qowm kale”. Abaaraha maatada, raacatada iyo beeratada Somaliland kala goostay waxa ku faa’iiday dabatada, dubatada iyo dooxatada iswacatay ee heshiiska ku ah boobka dalka iyo dadka. Kooxahaas ayay abaaruhu u noqdeen fursado ay kursiga ku sii joogaan oo shaqadooda dhiig-miiradka ah ku sii wadaan. Wax kasta oo kale marka laga yimaaddo, waxa xusid mudan xilli-abaareedka lagu beegay muddo-kordhintan ugu dambaysay ee ay guurtidu u samaysay golayaasha dalka, siiba kan xukuumadda.
AFMEER:
Dalka waxa is-dabajoog ah uga dhaca abaaro daba dheer oo aan laga nasan. Abaarahaasi waa kuwo ka soo jeeda roob la’aanta joogtada ah iyo roobwaaga. Wixii geed carriga ku yaallay markii la shiday, ee xoolihii daaq waayay, ayuu jiritaankeennii – haddii laga warhayo iyo haddii aan laga warhaynba – mugdi galay. Waxay ku dhawdahay in dhulkeennu dhammaantii beri dhaw lama-dego noqdo. Geed sare, geed hoose, geed san iyo geed xadhaadh, mid waliba damac iyo hunguri ayuu u dhintay. Caqaar jaad ah, xabbad sigaar ah, masuuliyad darro iyo maxaa iga galay ayuu u dhintay.
Dawladihii dalka xilkiisa la kala wareegay waxay wadaagaan jahli salka ku haya in aanay marna ku baraarugin halista iyo ayaandarrooyinka dalka ku soo socda. Waxa kale oo ay wadaagaan demmanaan la xidhiidha badbaadinta dalka aynaan dal kale uga guuri karin. Marnaba kama ay fikirin sida nololi uga suurtoobi karto dal aan dhir, xoolo iyo beero toona lahayn. Maantana, muxaafad iyo mucaaradba, nimanka ummadda hoggaaminteeda u heellani way isla wada maqan yihiin. Haddii garasho fayow oo hoggaamineed iyo garaad bisil oo bulsheed jiro, soo-bandhigista qorshe abaaraha soo noqnoqda lagula tacaalayaa waxa uu ka mid noqon lahaa barnaamijyada ugu mudan ee codadka lagu kala tirsanayo.
“Abaaruhu gefkayagii batiyo, galabsi weeyaane,
Rabbow gamashi baan taagannee, roobka nagu guud fur
W/Q/Maxammad Saleebaan Cumar