Sanado ka hor, xili aan waxbarasho ku jiray ayaan isbaranay gabar udhalatay Barasiil, kana shaqaysa mid ka mid ah safaaradaha Nayrobi.

0
23

Sanado ka hor, xili aan waxbarasho ku jiray ayaan isbaranay gabar udhalatay Barasiil, kana shaqaysa mid ka mid ah safaaradaha Nayrobi. Xiriir gaaban kadib, waxaan isku af-garanay in aynu is guursano. Waxay qadka Skype-ka igu bartay familkeeda jooga Barasiil. Mudadii guurka aynu ku balanay markii la gaaray, ayaan ka cudur-daartay. Wali arday ayaan ahaa, dhaqaalena ma haysan. Weey ka xumaatay, waxaan misna isku afgaranay in lix bilood kadib aynu guurka ka dhigano. Isla duruufihii dhaqaale oo wali taagnaa dartood, guur nooma suura-galin. Waxaa baxday hal sano. Maalin ayaan waayey meel ay ka baxday. Taleefonkii waa dansatay, facebook-gii weey xirtay, email-na kama soo jawaabayso. Baasaboorkeedii, waraaqo & alaaba kale ay lahayd wali gurigayga ayeey yaalaan. Todobaad kadib, ayaan tagay safaaradii ay ka shaqaynaysay, si aan ula kulmo haweenay ay wada shaqeeyaan oo kol hore ay iskaaya bartay. Waardiyihii Safaarada ayaa igu wargaliyey in aysan rabin in ay ila kulanto. Waa mudadii iigu ciriiriga & walwalka badnayd noloshayda. Bil kadib ayaan safaaradii ku laabtay. Waxaa la iisheegay in gabadhii xiriirka aan lahaa ay shaqadii ka tagtay, kuna laabatay Brazil!. Waxaa ii bilowday safar dheer oo noloshayda siyaabo kala duwan usaameeyey. Muddo kadib waxaan ka degay magaaladda Rio de Janeiro. Waxaan wataa waraaq cinwaan guri uu ku qoran yahay. Warqadaa oo aan ka dhex helay alaabteeda, waxaa usoo diray hooyadeed. Taxi ayaan qaatay wuxuu isii istaajiyey cinwaankii aan watay. Waxaa albaabka iga furtay hooyadeed. Weey igu naxday albaabkana dib iigu xirtay!. Daqiiqado kadib ayeey furtay albaabkii iyadoo ilmo indhaheedu ay qooyeen. Waxay ingiriis ja-jab ah igu tiri: ‘maxaad rabtaa?’ Waxaan weeydiiyey in inanteeda aan la hadli karo. Dib ayeey guriga ugu laabatay. Waxay iikeentay warqad adarees uu ku qoranyahay, albaabkiina xirtay. Taxi-lihii ayaan tusay oo ku iri igee adareeskan. Suu iisoo waday ayuu ikeenay meel xabaalo ah. Waan filan wayey, meeshii aan taagnaana ka dhaqaaqi waayey. Taxi-lihii oo wali warqadii gacanta ku haya, ayaa horay usii socday. Inyar kadib ayuu istaagay iina yeeray. Markaan utagay waxaan arkay xabaal ay ku taal magicii gabadha. Ilaa iyo maanta, waxaan mar walba ka fakaraa in dhimashada gabadhaa, aniga aan sabab u ahaa ama dad kale iyo xaalad kale oo aan ogayn”

(Nayrobi, Kenya)
Source Somali faces.

Xigasho Cumar Seerbiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here