Boqor Buurmadow Oo Eedo Culus U Soo Jeediyey Musharax Muuse Biixi Iyo Madax Dhaqameedka Beesha Suber Awal

0
18

Hargeysa (SaxilNews):- Boqor Buurmadow oo ka mid ah madax dhaqameedka Reer Somaliland ayaa waxaa uu isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa uu ka hadley heshiiska xukuumada Somaliland la soo gadhay dawlada imaraadka ee saldhiga Ciidan lagaga siinaayo magaalada Berbera oo dhawaan golaha baarlamanku xukuumada u ogolaaden

 

Boqor Buurmadow oo wareysi siiyey Wargeysa SAHAN waxaa uu heshiiskaasi ku tilmaamay in uu yahay mid guul ah oo u soo hoyatey bulshada reer Somaliland .

Sidoo kale waxaa uu Boqor Buurmadow uu eedo culculus u soo jeediyey musharaxa xisbiga Kulmiye iyo madax dhaqameedka beesha uu ka soo jeedo ee SUBER AWAL

” Waxaa La Yidhi Maqaar Caytamay Aflagama Dhawree Ragii Ugu Dhaw Dhawaa Sxbadey Muuse Biixi Iyo Bashiir Cabdi Kaahin Ay Xukuumadii Sidii Udurayaan Waxay I xasuusisaa Inankii Yaraa Ee Aabihii Ku Ciyaarey Ee Buuryada Jiidey Ee Ku Yidhi Aabo Aniga Waxba Imaad Yeeline Hooyadaa Baad Ku Dheeraysay Markaa Waxaan U Arkaa In Qoladaa Sharaxan Iyagu Wax Isyeeleen dalka Maanta Wakaa Horumarku Isqabsadey Dekadii Berbera Waad AragtaaSaldhigii Wataa Labada Gole La Marieyey Inkhayraadkii Dalka Lagu Soo Qul-qulayo.

Waxaa La yidhi Meesha aan Wanaag Ka Rabo Xumaan Kama Doonayo Anaga Muuse Biixi Waa Murashaxayagii Laakiin In taageerayaasha Iyo Salaadiinta Muuse Isna Amaanan Madaxweyne Siilaanyo, Maxamuud Xaashi Iyo Baashena Maagaan Ma Ogalin Anagu Nin Aanu Dhisayno Nalaguma Oga Inanu Cayno Iyo Inano Sumcadiisa Wax Udhino Qoorweynta Iyo Siyaasiyiinta Subeer Awalna Inay Siilaanyo Caayaan Waa Mid Laga Wanaagsan Yahay ” ayuu yidi boqor Buurmadow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here