Moqdisho (Saxilnews):- Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somaliya waxaay
sheegayan in la baddalay xarrunta lagu qabanayo doorashada madaxtinnimada Soomaaliya oo markii hore la qorsheeyay in ay ka dhacdo Akadamiyada Booliiska ee Muqdisho
Guddoomiyaha guddiga doorashada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Beyle Ducaale, ayaa warbaahinta u sheegey in doorashada ay ka dhici doonto xarrunta Afisyooni ee Muqdisho.
Beyle, ayaa sheegey ay 18 ka mid ah musharrixiinta madaxtinnimada ay dalbadeen in goobta laga baddalo doorashada halka lagu qabanaayo.
Qaar ka mid ah musharrixiinta ay jeediyeen walaac ku aaddan in doorashada lagu qabto akadamiyada booliiska. Walaaca ayaa la sheegay inuu la xidhiidhay dhinaca amniga iyo musuqmaasuqaa.
Saraakiil ka agdhow guddoonka baarlamaanka iyo guddiga doorashada ayaa sheegaya in fikradaha lasoo jeediyey ay u badan tahay in lagu qaban doono xerada ciidamada cirka Afisyoone ee garoonka diyaaradaha.