Hargeysa (Saxilnews):- Madaxweyne Siilanyo iyo Muj . Cali Guray ayaawaxaa ay horre u ahayeen saxiibo waxaana ay ka wada mid ahayeen ururkii Somaliland xoreeyey Ee SNM
Muj. Cali Guray iyo Madaxweyne Siilanyo ayaa waxaa ay mudooyinkii ugu danbeeyey ay noqdeen saxiibo ay siyaasadu kala fogeysay waxaana uu Muj Cali Guray eedeymo culus hawda u marin jiray Madaxweyne Siilanyo
Dhawaan ayaana ay aheyd markii Muj . Cali Guray uu shaaciye in uu si rasmi ah ugu biiray xisbiga Kulmiye oo uu todobada sanno ka hor dibad joog ka ahaa
Waxaana maanta ay labadan siyaasi ku kulmeen Aas qaran oo uu maanta madaxweyne Siilanyo ka qeyb galay