Hargeysa (Saxilnews):- Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani waxaa uu faahfaahin ka bixiyeynuxurka uu daarnaa kulan ay maanta gudida doorashooyinku isku yeedheen saddexda xisbi qaran ee Somaliland .
Maxamed Cabdilaahi Uurcade xoghayha guud ee xisbigaasi waxaa uu sheegay in kominshanku u sheegen in abaaro xoogani dalka ka jiraan kuwaas oo sameyn xoogan ku yeeshay badiba dadkii codeyn lahaa .
Sidoo kale xoghayuhu waxaa uu sheegay in kormeer ay dhamaan gobalada Somaliland ku soo sameyeen gudida doorashooyinku ay ku soo ogadeen in ay abaartu saameysay dadkii codeyn lahaa boqolkiiba todoba iyo konton 57 %
Mar ay saxaafadu weydiisay xoghayaha mowqifka xisbigooda ee arimaha doorashooyinka mar hadii ay dalka ka jiraan abaaro xoogani waxaa uu sheegay in xisbiga Waddani diyaar u yahay waxii dan u ah dadkaas abaartu sameeysay iyo waxii dalkaba dan u ah .
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan
https://www.youtube.com/watch?v=gdR9idFUIxI