Madaxweynaha Cusub Ee Mareykanka Donald Trump Oo Eedeyey Qaramada Midoobey Kuna Sifeeyey …..

0
15
HENDERSON, NV - OCTOBER 05: Republican presidential nominee Donald Trump speaks during a campaign rally at the Henderson Pavilion on October 5, 2016 in Henderson, Nevada. Trump is campaigning ahead of the second presidential debate coming up on October 9 with Democratic presidential nominee Hillary Clinton. (Photo by Ethan Miller/Getty Images)

USA (Saxilnews):- Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku tilmaamay Qaramada

Midoobay in ay tahay murugo socota.

Qoraal uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay shabakadda Twitter-ka ayaa Trump ku sheegay in Qaramada Midoobay oo noqon kari lahayd mid wax tartaaa ay noqotay gole ay iskugu yimaadaan dadku oo ku haasaawaan wakhti fiicanna ku wada qaataan.

Todobaadkii hore ayuu si shakhsi ah u faro galiyey oo isku dayey inuu hakiyo cod bixintii Golaha Ammaanku u qaadayey qaraarkii cambaaraynayey deegaameynta Israel ka wado daanta galbeed.

Kama dambaystii waxa qaraarkii la meel mariyey Jimcihii, tallaabadaasina waxay Trump ku dhalisay inuu bixiyo digniin ah in arrimuhu sida ay yihiin ka duwanaan doonaan marka isaga loo caleemo saaro madaxweynenimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here