Muddane Muuse Biixi waxaa uu Cabdiraxmaan Ciro ku eedeyey in u sameeyey arin aan wali Somaliland hore uga dhicin oo ah in uu kulamo qarsoodi ah magaalada Nairobikula soo yeesho masuulyiin ka tirsan dawlada Somaliya
Gudoomiye Muuse Biixi ayaa waxaa uu hadalkiisa uu yidhi cadeyn uga dhigay war uu qoray wargeys ka soo baxa dalka Kenya oo isagu sheegay in kulan qarsoodi ahi dhex maray wafigii Cabdiraxmaan Ciro hogaamiyanaayey iyo Raysal waraaha Somaliya walow uu hadanu wargeysku warkaasi saxid ku sameeyey
Ka dib markii uu dhameeyey hadalkiisa Gudoomiye Muuse Biixi waxaa ay saxaafadu isku deyday in ay su,aalo ka weydiiso hadalada iyo eedeymaha uu u jeediyey dhigiisa waddani Balse gudoomiyaha ayaa si cad u diiday su,aalaha warbaahinta isla markaana waxaa uu meeshii uu tagnaa kaga tagay Mobiladii uu sitay isaga oo ka cararaya su,aalaha warbaahinta
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan
https://www.youtube.com/watch?v=jOcrpA8dhoU