Baarlamaanka Wadanka Kenya Oo Gacanta Isula Tagay Iyo Sababta Ka Dambaysa Is-Qabsashadooda Oo La Ogaaday.

0
16

Nairobi(Saxilnews)Baarlamaanka Kenya ayaa mariyay isbaddelo lagu sameeyay sharciga doorashada Kenya, kaas oo u oggolaanaya guddiga doorashada inay aqoonsiga iyo tirinta codadka gacan loo adeegsado, haddii tiknoolajiyadda ay guul darreysato.

Markii hore sharciga ayaa oggolaanayay in qalab tiknoolajiyadeed oo kali ah loo adeegsado arrimahaasi.

Ka hor intaan la ansixin isbaddelada sharcigan, mucaaradka ayaa ka baxay aqalka baarlamaanka , iyagoo sheegay in mudanayaasha xisbiga talada haya ay adeegsadeen feer iyo hub si ay u hubiyaan in sharciyadan la ansixiyo.

Mucaaradka ayaa hadda aaday maxkmadda si ay isugu dayaan joojinta dhaqangelinta sharcigan cusub.

Mucaaradku wuxuu ku doodayaa in gacan ku tirinta codadka ay horseedi karto in xisbiga talada haya uu ku shubto doorashada.

Ciidammo hubeysan ayaa la dhigay dibadda hore ee baarlamaanka oo Arbacadii ay xildhibaanada isku feereen.

Boqolaal qof ayaa ku dhimatay muran ka dhashay natiijadii doorashada madaxtinnimada Kenya ee sanaddii 2007.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here