Wasaarada Khayraadka Biyaha Somaliland Oo Mar Labaad Cirka Ku Shareertay Khilaafka Maamulka Wakaalada Biyaha Berbera

0
25

Berbera (Saxilnews.com)-Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Magalaada Berbera, ayaa 15/10/2016 magaacay Gudi Wakaalada Biyaha heer degmo ah kana kooban 5-xubnood oo isugu jira Xildhibaano & masuuliyiin kale gudigaas oo Waraaqda lagu magacaabay ay lahayd Sumadan XMDH/DB/13/305/2016 isla markaana Ujeedada loo magacaabay ay tahay Guddi Maamul Oo Berbera si ay ula shaqeeyaan Maamulka & Maareeyaha Wakaalada Berbera, sidoo kale maamulka Heer Degmo ee wakaalada oo sharciyan u hoos tegaaya Deegaanka ama Mayor sida ku cad qodobada sharci ee uu Tixraacay Gudoomoyaha Golaha deegaanku ee Qodobka 112 Ee Distuurka J/S/L Iyo Xeer/Lr 23/2002/2007 & Xeer/Lr/49/2010 sida ku cad waraaqda sumadan sare leh ee halkan ku lifaaqan Hadaba magacaabista Gudigan ayaa ka dambaysay kadib markii Maamulka Wakaalada Biyuhu kabixi waayay khilaaf & muran Maamul oo ilaa heer Wasaaradeed gaadhsiisan, isla markaana Biyuhu ay yihiin Halbowlihii Bulshada loona baahanyahay in xil wayn layska saaro isla markaana Masuuliyada 1aad saarantahay Golaha Deegaanka & Mayor-ka Degmada, waxaa noqotay lagama maarmaan in lehelo Gudigan si looga baxo carqalad timaada & in halbowlayaasha Bulshadu galaan RISK ama dhibaato soo foodhsaarta , waxaana mihiim ah in isku dhan looga soo wada jeesto arimaha bulshada sida Biyaha, Laydhka,Caafimaadka iyo wixii la mid ah

Waxaana ay keenin karaan arimaha isku garaacid maamulka Biyaha ee berbera  kacdoono dadwayne oo la xidhiidh dhinaca Biyaha taasi oo salka ku haysa shacbiyada magaalada Berbera oo iyagu u nugul dhinac biyo laanta madaama ay magaalada Berbera Tahay Magaalo Xasaasi ah oo aan qaadi Karin Khilaaf maamul oo yimaada

Maamulka waklaada Biyaha Berbera gaar ahaana mareeyaha waklaada Biyaha Berbera Kayd Cabdilaahi Xandule ayaa Mudo kooban  Afar Bilood ah xilkaasi hayey wax badan ka hirgeliyey dhinaca biyo balaadhinta magaalo magaalada Berbera taasi oo ay bulshada intee badani u riyaaqday balse arintani dhanka maamulka ayaa dib uhurinaysa khilaaf ka xoogan ka  dhex qarxa dhinaca maamulka biyaha Berbera taasina waxay keeni kartaa inay Bulshada magaalada Berbera si xoog leh uga hortimaado arimahaasi dhinaca maamulka berbera

Dawlada Hoose Ee Magaalada berbera oo ah haayada kaliya ee gacanta ku haysa Wakaalada Biyaha  Berbera  Sharci ahaan ayaa waday todobaadkii Udanbeeyey Arimo La xidhiidha dib uhaybanta biyaha berbera oo ay Ugu horaysay gudida la shaqayn doonta wakaalada Biyaha ee Berbera

Arintani maamulka Cusub waxay sidoo kale niyad jab ku noqonaysaa dhinaca Bulshada magaalada Berbera oo hada uu la jaan qaaday maamulka Cusubaaye wakaalada Biyaha Berbera Mareeyaha wakaalada Biyaha Berbera Kayd Cabdilaahi Xandule Ayaa Kamid ah tiirarka ugu culus Xisbiga talada Dalka Haye kulmiye waxa kale uu can ku yahay dhanka arimaha Bulshada waan shakhsiyaadka ugu dhow ee dhanka dhinaca qaybaha kala duwan ee dhalinyarada balse ilaa hada lama saadalin Karin Arimaha Dhinaca maamul iyo khilaaf ee ka dhagax qarxi karra isla gudaha magaalada berbera  haduu sii jiitamo khilaafkaasi dhinaca maamulka ah ee wakaalada Biyaha Berbera14786913_10210499144945538_984228144_o

14787741_10210499142985489_1979808227_o

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here