Madaxwayne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Sameeyo Isku Shaandhayntii Ugu Sal Balaadhnayd Iyo Magacyada Masuuliyiinta La Filayo Inay Seeftu La Tagto.

0
19
Hargeysa(Saxilnews) Madaxwaynaha somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa la filayaa in dhamaadka bishan uu sameeyo isku shaandhayntii ugu sal balaadhnayd isla markaaana uu sameeyo xil ka qaadis,isku badal iyo magacaabis.
warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in mudadii uu madaxwaynuhu ku maqnaa dalka ingiriiska uu sameeyay shax cusub oo xisbiga KULMIYE ku gali karo ololaha doorashada .
Waxaana xoguhu sheegeen in wasiirada la filayo inay seeftu la tagto ay kamid yihiin wasiirka maaliyada Samsam Cabdi Aadan,Wasiirka qorshaynta qaranka Cali Salaan Jirde (Cali Shoombe) wasiirka warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid “Cadaani” iyo wasiir ku xigeeno iyo agaasimayaal kuwaasi oo la doonayo in badalkooda la keeno siyaasiyiin ay isku deegaan yihiin.
Ilaa hadda lama karan karo xilliga rasmiga ah ee uu madaxwayne Siilaanyo isku shaandhaynta ku samaynayo golahiisa xukuumadda,waxaana bulshada somaliland aad u hadal haysa isku shaandhaynta iyo siyaasiyiinta ku jiri kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here