Shirka Golaha Dhexe Ee Waddani Oo Maalintiisi Labaad Galay , Guddoomiyaha Cusub Ee Xisbigaasi C/Qaadir Jirde Oo Gar-Daadinaya Iyo Nuxurka Uu Daaran Yahay + (Sawirro)

0
20

Hargeysa (Saxilnews):-   Shir weynihii koobaad ee Xisbiga WADDANI oo maalintii shalay ahayd si rasmi ah looga furay magaalada Hareysa ayaa saaka galay maalintiisii labaad ,waxaanu hadda shir-kaasi dib uga furmay huteelka maansoor ee magaalada Hargeysa.

2_fotor

1_fotorShirka ayaa ka duwan kii shalay waxaan maanta lagu soo badhigay qorshe siyaasadeed Xisbiga WADDANI uu ku geli-doono doorashada fooda inagu soo haysa,iyadoo ay xusid mudantahay in dhammaba dadka ka soo qayb-galay shirkaasi loo qaybiyey buuga liimiga ah ee ku qoranyahay barmaaji siyaasadeedka Xisbiga mucaaradeedka  ee WADDANI.

3_fotor4_fotor
Xisbiga WADDANI ayaa shirkan maanta ku casuumay xubno laga  soo xulay bulsha weynta reer somaliland,kuwaas oo iskugu jira aqoonyahano wax-garad iyo hadlddorka kale ee lagu tuhmayey in ay wax-ku kordhin karaan barmaamij siyaasadeedka Xisbiga WADDANI.

5_fotor

Xoghayaha Arimaha debad Dr Maxamed Cismaan Fadal ayaa ka haddlay nuruxka kooban ee uu xanbaarsan yahay barmaamji siyaasadeedka Xisbiga WADDANI,waxaanu ugu baaqay aqoonyahankii ka soo qayb-galay in ay akhriyaan oo ay wixii ay ku soo kordhinayaan ay ku soo kordhiyaan,isla markaana ay ka saxaan wixii ka qaldan.

6_fotor

7_fotor

Dhanka kalena waxa shirkan gar-daadinayey oo guddoomiyayey ,Guddoomiyaha dhawaan loo caleemo saaray xisbiga WADDANI Md. C/qaadir Jirde.
8_fotor9_fotor11_fotor12_fotor13_fotor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here