Daawo:- Qoys Ku Dhibaataysan Magaaladda Laascaanood Ee Xaruunta Gobalka Sool Iyaga Oo Umadda Islaamka Ah Ka Codsadeen In La Soo Caawiyo Muuqaal Murugo Badan

0
26

Sool(Saxilnews) Daawo:- Qoys Ku Dhibaataysan Magaaladda Laascaanood Ee Xaruunta Gobalka Sool Iyaga Oo Umadda Islaamka Ah Ka Codsadeen In La Soo Caawiyo Muuqaal Murugo Badan  Jaamac Maxamed Xasan , Cabdixamiid maxamed c/laahi iyo Aadan Cabdilaahi Xasan oo ah dhamaantoodba dhibanayaal qaba xanuunka dhimirka ama dhanka (Waalida) ayaa ku nool duleedka Koonfureed iyo baadiyaha koofnureed ee magaalada Laascaanood , Dhibanayaashan ayaan helin mudo dheer oo ay ku xanuusanaayeen hoyga ay ku noolaayeen ayaan helin wax taageero dhanka dhaqaalaha ah. Khadiijo Maxamuud Xasan oo ah Hooyada dhashay laba ka mida Dhibanayaashan ayaa sheegtay inay kala kulantay bukanayaashan 25 kii sano ee la soo dhaafay rafad aduun iyo imtixaan adag . Dhibanayaashan ayaa kooda ugu wayn uu xanuusanayey mudo 24 sano , halka ka labaanka uu xanuusanayey 10 sano , ka sadexaadna uu xanuusanaa 8 sano . Hooyadan ayaa sheegtay iyadoo ooyayeysa ay codsatay in Alle dartii hadii aan la soo caawin karin ugu yaraan loo duceeyo in Alle uu ka dul qaado Xanuunka haya ubadkeeda oo ay dheertahay duruufo dhaqaale adag oo dhanka Nolosha ah . Fadlan kala Xidhiidh : 063-3121127 , 063-4962417 La wadaag asxaabtaada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here